Berbera News | Daily News Update

Kenya oo Xabsi madaxaa ha-ku-furto ah ku xukuntay Muwaaddiniin Iran u dhashay

Nairobi(World Bulletin/Berberanews):- Maxkamad ku taal Kenya ayaa ku xukuntay laba nin oo Iran u dhashay xabsi daa’in, ka dib markii lagu eedeeyey inay maleegayeen qaraxyo lagu qaado caasimada Nayroobi iyo magaalooyin kale sannadkii hore.images

Ahmad Mohammed iyo Sayed Mousavi ayaa lagu helay wiigii hore inay qorshaynayeen weerar, laguna helay 15 killo oo waxyaalaha qarxa. Waxaana lagu xidhay Nayroobi bishii June.

Baadhayaasha Kenya ayaa sheegay wakhtigii xadhigooda, inaanay caddeyn in labadaa nin xidhiidh la leeyahiin argagaxisada Soomaaliya, ama qeyb ka yihiin shabakad argagaxiso kale.

Garyaqaanadii labadaa nin ayaa sheegay, in labadaa nin beeniyeen gelitaanka denbigaa, racfaana ka qaadan doonaan xukunkaa.

Tobonaan qof ayaa ku dhintay sannadkii hore weerarao ka dhacay caasimadda, magaalo-xeebeedka Mombasa iyo gobolka Soomaalida.

Xukuumada Nayroobi ayaa badi ku eedeysay dqaraxyadaa argagaxisada Shabaab, oo ciidamada Kenya kula dagaalamayaan gudaha Soomaaliya, iyagoo qeyb ka ah xoogaga nabad-ilaalinta AMISOM.  

Xukuumadda Ingiriiska, ayaa shaaca ka qaadday inay dhaqaale gaadhaya 140 Milyan oo Doollar ku bixin doonto gargaarka horumarinta Somaliland illaa sannadka 2015 iyo sidoo kale wada-xaajoodka labada waddan.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.