|

Kismaayo: Duqaynta Maraakiibta Dagaalka, dhimashada shacabka iyo dhuumaalaysiga Al-shabaab

Custom Search

 

Kismaayo-(Berbera)—Tan iyo intii ciidammada AMMISOM iyo kuwa Dawladda ku-meelgaadhka ah oo xulafo ahi kaga awood roonaadeen kooxda Al-shabbaab, kana saareen magaalada Muqdisho waxay xoogaga Al-shabaab Xarun dhufaysi ah ka dhigteen magaalada Kismaayo ee Gobollada Jubadda Hoose.

 

Magaalada Kismaayo waxa muddooyinkii u danbeeyay reer galbeedka iyo maraakiibta Dagaal eek u sugan biyaha Somalia ka fuliyeen weeraro ay ka qaybgaleen diyaaradaha dagaalka iyo kuwa Kenya oo ay ku dhinteen dad tiro badan,. Kuwaasoo daba-socda kooxaha Al-shabaab ee ka soo cararay magaalada Muqdisho iyo Deegaannada kale ee laga saaray.

 

 

Weeraradii ugu danbeeyay ee maraakiibta Dagaal ka fuliyeen Kismaayo oo xalay ay fuliyeen Maraakiib dagaal oo Kenya leedahay, ayaa waxa ku dhintay saddex qof oo oo uu ku dhacay gantaal uu soo riday mid ka mid ah maraakiibta oo taagnaa dulleedka dekedda Kismaayo, iyadoo warar madaxbannaan sheegayaan inay kooxda Al-shabaab kaga horraysay weerarka oo ay gantaallo ku rideen maraakiib marayay biyaha Kismaayo oo Kenya leedahay.

 

Sedexda qof ee ku dhimatay duqeynta ayaa la sheegay in ay ahaayeen hal qoys oo daganaa xaafadda V-Afmadow ee magaalada Kismaayo iyo dhaawaca affar qof oo kale.

 

Masuuliyiin katirsan maamulka Al-shabaab ee magaalada Kismaayo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in duqeymahaasi ay geysanayeen Marakiib ay leedahay dowladda Kenya, waxayna sheegeen in ay ku guuldareesteen hadafkii ay ka lahaayeen duqeynta.

 

Dadweynaha ku nool magaalada Kismaayo waxa soo foodsartay cabsi xoog leh oo ay ka qabaan weeraro kale oo kaga iman kara Maraakiibta Dagaalka iyo diyaaradaha milateri ee daba-socda kooxda Al-shabaab ee dhufayska ka dhigatay magaalada.

 

Berberanews.com

info@berberanews.com

 

 

 

 

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=19496

Posted by on Aug 12 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta