Berbera News | Daily News Update

Kooxaha Man City, Chelsea, Arsenal Oo Guulo Gaadhay Iyo Liverpool Oo La Garaacay.

(Berberanews Sports):- Ciyaaryahan Sergio Aguero ayaa dhaliyay seddexleydiisii ugu horeysay ee  Manchester City ka dib markii ay 3-0 ku garaaceen kooxda Wigan Athletic oo marti  ku aheyd garoonka Etihad Stadium.

Ciyaaryahanka reer Argentina ayaa shabaqa ku hubsaday seddex gool  daqiiqadihii 13, 63, iyo 69aad, waxaana uu ka dhigay goolashiisa 6 gool afar  kulan oo uu u ciyaaray kooxdiisa cusub, iyadoo City ay horyaalka si fiican ugu  bilaabatay.

Inkastoo Aguero uu goolasha dhaliyay hadana xiddiga ciyaarta waxa uu ahaa  David Silva, kaasoo farsamadiisa iyo aragtidiisa qotada dheer ka dhigtay muran  la’aan ciyaaryahanka haatan ugu fiican Premier League qaab ciyaareed ahaan.

Silva waxa uu caawiye ka ahaa labo gool, waxaana uu ahaa wadnaha weerarka  kooxda Manchester City ciyaarta oo dhan.

Barta madow ee loo yeeli karo City ayaa timid markii uu rigoore ka qasaariyay  kabtankoodii hore Carlos Tevez.

Edin Dzeko oo gooldhalintiisa ay cajiib aheyd islamarkaana noqday  ciyaaryahankii ugu horeeyay ee 6 gool dhaliya seddexda kulan ee ugu horeysay  Premeir League ayaaba iska arkay kursiga keydka iyadoo Tevez uu ku bilowday.

Aguero ayaa noqday ciyaaryahankii 7aad ee Man City u dhaliya Hat trick.

Dhinaca kale kooxda Arsenal ayaa guusheedii ugu horeysay ee xilli  ciyaareedkan gaadhay ka dib markii ay 1-0 kaga badisay kooxda horyaalka ku cusub  ee Swansea City oo marti ku aheyd garoonka Gunners ee Emirates.

Andrei Arshavin ayaa dhaliyay gool fursad ahaa shan daqiiqo ka hor inta  aanay dhamaan qeybtii hore ee ciyaarta ka dib qalad uu sameeyay goolhayaha  kooxda Swansea.

Arsenal ayaa ka fogaatay seddexda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya ka dib  markii ay heleen guushoodii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka, waxaana haatan ay  soo gashay kaalinta 11aad.

Arsenal ayaa tijaabisay ciyaartoyda cusub ee dhawaan ay la soo wareegtay,  waxaana guushaan ay u tahay niyad dhis aad u weyn marka loo eego xaaladii  xumeyd ee ay ku jireen bilihii u danbeeyay.

Dhinaca kale gool uu dhaliyay Jonathan Walters ayaa keentay inay Stoke City  1-0 ku dardarto kooxda Liverpool, kuwasoo guuldaradii ugu horeysay ee xilli  ciyaareedka Premeir League dhadhamiyay.

Walters ayaa u saxeexay Stoke City rigoore daqiiqadii 21aad ee ciyaarta, ka  dib markii uu rigooradaas ku galay ciyaaryahan Jamie Carragher. Walter ayaa  rigooradaas tuuray islamarkaana gool u sarifay.

Inkastoo qeybtii danbe ee ciyaarta ay Liverpool ciyaarta maamuleysay hadana  waa ay u suurogeli weyday inay gool dhaliyaan. Jordan Henderson ayaa goolkiisi  labaad Liverpool u dhalin karay, lakiin fursadaasi ayaa noqotay mid  qasaartay.

Sidoo kale Luis Saurez ayaa fursad fiican helay dhamaadkii ciyaarta lakiin ma  aysan noqon goolkii ay doonayeen Reds.

Kooxda Chelsea ayaa guusheedii ugu horeysay ee iyadoo marti ah gaadhay ka dib  markii ay 2-1 ku garaaceen kooxda Sunderland ciyaar ka dhacday Stadium of  Light.

Chelsea ayaa goolka furtay daqiiqadii 17aad ee ciyaarta, iyadoo uu dhaliyay  kabtanka kooxda John Terry.

Daniel Sturridge ayaana u labeeyay kooxda Blues, isagoo qaab fiican cirib ugu  dhaliyay, waxaana uu la soo laabtay qaab ciyaareed fiican.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Sunderland Ji Dong ayaa dhamaadkii  ciyaarta gool u dhaliyay lakiin goolkaasi wax macno ah ma aanuu soo kordhin.

Ciyaaryahan Fernando Torres oo todobaadkan qaab ciyaareedkiisa Chelsea iyo  Spain la hadal haayay ayaa kursiga keydka ku bilowday iyadoo tababare Andre  Villas-Boas uu ka doorbiday Anelka oo garbaha ay ka daadihinayeen Daniel  Sturridge iyo Juan Mata.

Ciyaaryahan Raul Meireles ayaa isna kulankiisii ugu horeeyay ee Chelsea ku  bilowday isagoo boos ka helay khadka dhexe.

Dhinaca kale kooxda Tottenham ayaa 2-0 ku garaacday kooxda Wolves,  ciyaaryahan Adebayor oo kulankiisi ugu horeeyay u ciyaarayay Spurs ayaa goolka  hore furay, halka Defeo uu u labeeyay kooxda London ka dhisan.

Aston Villa iyo Everton ayaa iyagana ciyaar xiiso badan ay ku dhexmartay  Liverpool, waxaana ay ciyaartaasi ku dhamaatay barbaro 2-2 ah.

Mustafe Maxamud Diiriye “Kastam”

Kastam@berberanews.com

Berberanews Sports

Leave a Reply