Berbera News | Daily News Update

Kooxda Atletico Madrid oo caawa Hanatay Koobka Europa League.

Spain (Berberanews Sports):- Ciyaartii caawa lawada sugayay ee Finalka Koobka Europa League ee dhex maraysay Kooxaha Reer Spain ee is kugu soo hadhay Finalka Koobkaan ee Atletico Madrid Vs Athletic Bilbao.

Kooxda Atletico Madrid ayaa caawa si xarago leh uga badisay Kooxda ay isku wadanka yihiin ee Athletic Bilbao waxayna kaga badiyeen 3 iyo 0.

Ciyaariyahanka u dhashay Wadanka Colombia Radamel Falcao 3 gool ay Kooxdiisa ku badisay Caawa labo gool oo ka mid aha isaga ayaa dhaliyay iyadoo Ciyaaryahankan uu caawa dhaliyay laba gool oo aad u qurux badan soona jiitay Taageerayaasha Kooxdiisa, halka Goolka seddexaad ee u quus gooyay Kooxda Atheltico Bilbao uu dhaliyay Ciyaariyahanka reer Brazil Diego.

Sidaasna Caawa Koobka Europa League waxaa ku guulaysatay oo loo caleema Saaray Kooxda Atletico Madrid oo caawa la hoyatay Koobka.

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports