Kooxda Daacish oo xaqiijisay dilka hoggaamiyahoodii

W/Wararka(Berberanews.com):- Kooxda la baxday Khilaafada Islaamka ee Daacish,ayaa qirtay geerida Hoggaamiyahoodii hore Abu Baker Al-Baqdaadi isla markaana ku dhawaaqay ninka ay ku bedeleen ee  hadda hoggaamiyaha u ah.

Qaar ka mid ah warbaahinta ku hadasha afka ururka la magac baxay Qilaafada Islaamka ee Daacish ayaa qiray dhimashada hogaamiyahoodii Abu Bakar Al Baqdaadi oo maalmihii u dambeeyay warka dhimashadiisa aad loo hadal hayay ka dib markii dawladda Ruushku ay sheegtay in ay duqayn dhanka cirka ah ku dishay.

Warar hordhac ah oo ka soo baxaya kooxda Daacish ayaa waxa ay sheegayaan in Abu Bakar Al Baqdaadi lagu badalay nin u dhashay dalka Tunisiya kaas oo lagu magacaabo Mohamed Ben Salem Al Ayouni balse gudaha kooxda Daacish looga yaqaan Jalaludiin Al Tunisi .

Mohamed Ben Salem Al Ayouni (Jalaludiin Al Tunisi) oo u dhashay dalka Tuunisiya ayaa hadane waxa uu heystaa dhashalada dalka Faransiiska .Hogaamiyihii ururka Daacish Abu Bakar Al Baqdaadi ayaa dhawaan waxaa lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah waxaana dilkaas sheegatay dowlada Ruushka.

Share Button
Please follow and like us:
0