Berbera News | Daily News Update

Kooxda Juventus Oo Ku Biirtay Tartanka Loogu Jiro Laacibka Manchester City Carlos Tevez.

(Berberanews Sports):- Kooxda Juventus ayaa ka soo qeyb gashay tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka kooxda Manchester City Carlos Tevez, ka dib markii ay ku dalbadeen 45 milyan oo ginni sida laga soo xigtay madaxweynaha kooxda Corinthians, kaasoo kooxdiisa laga diiday dalabkii ciyaaryahanka ku wajahnaa.

Tevez ayaa cadeeyay inuu doonayo inuu ka tago Manchester City xagaagan sababo la xiriira qoyskiisa, iyadoo caruurtiisa ay ku nool yihiin Argentina.

Inuu u wareego koox kale oo yurub ah ayay aheyd halkii loo badinayay ilaa kooxdiisii hore ee reer Brazil ay ku soo dalbato 35 milyan ginni bilowgii todobaadkan, taasoo laga diiday.

Juventus oo raadineysa weeraryahanka Atletico Madrid Sergio Aguero ayaa haatan waxaa ciyaaryahankaasi lala xiriirinayaa City oo dooneysa inay ku bedesho Tevez.

Si kastaba ha ahaatee Juventus ayaa haatan u muuqata mid daneyneysa weeraryahanka reer Argentina Tevez iyadoo ku dalabatay 45 milyan oo ginni.

“Waxba isma bedelin. Manchester City waa inay go’aansataa inay ciyaaryahanka iibineyso iyo in kale” ayuu yidhi Andres Sanchez ka dib markii kooxdiisa ay 1-0 kaga badisay xalay kooxda Internacional.

“Waxa ay gacanta ku hayaan haatan dalab 45 milyan oo ginni ah oo ka yimid Juventus, lakiin Tevez ma doonayo inuu sii joogo Yurub” ayuu hadalkiisa raaciyay.

“Hadii aan ahaan lahaa madaxweynaha kooxda uu Tevez joogo ma iibiyeen, lakiin hadalka ciyaaryahanka isna waxa uu leeyahay miisaan culus”

“Waad aragtaa marka uu ciyaaryahan doonayo inuu baxo, si kastaba wuu baxaa. Qandaraasyada kubada cagta waxaa loo sameeyay si loo jabiyo” ayuu hadalkiisa ku koobay.

Mustafe Maxamud Diiriye “Kastam”

shaafici_3@hotmail.com

Berberanews Sports

Leave a Reply