|

Kooxda Soomaaliya uga qaybgalaysa ciyaaraha olombikada adduunka ee London oo gaadhay Magaalada London.

Custom Search

London (Berberanews Sports):- Soomaaliya waxa ciyaaraha olombiga uga qaybgalaya laba ciyaartooy oo kaliya kuwaasi oo kala ah Maxamed Xasan Maxamed iyo Samsam Maxamed Faarax.

Maxamed Xasan waxa uu ordi doonaa tartanka 1500m iyo 5000m, halka Samsam Maxamed ay iyana ordi doonto 800m iyo 1500m.

Inkastoo cayaartooyda Soomaaliyeed ee olombigga aanay soo gelin is reeb reeb haddana sida uu dhigayo sharciga olombikada adduunka waxaa loo oggol yahay in ay laba ciyaartooy soo dirsan karaan.

Waxaa iyaguna  gaadhay London ciyaartooy hore oo wax ka hoggaaminaya Sportiga iyo weliba madaxda Guddiga Olombigga Soomaaliyeed iyo xidhiidhada.

Halyeyga billadda dahabka ee 1500m, Cabdi Bile Cabdi iyo Cumar Cabdiqaadir Baarajab oo ahaa ciyaartooy caan ku ah Soomaaliya, isla markaana laf dhabar u ahaa kooxda Qaranka ee Kubadda koleyga ayaa ka mid ah ciyaartooydii hore ee dhiirri gelinta iyo maamulka kooxda.

Madaxda London gaadhay waxaa ka mid ah, Sii hayaha Guddoomiyaha Olombigga, Durraan Axmed Faarax, iyo Xoghayaha Olombikada, Cabdullaahi Axmed Tarambi iyo weliba Guddoomiye ku xigeenka Xidhiidhka Kubbadda Koleyga, Cabdicasiis Goodax Barre.

Mustafe Maxamud

Kastam@berberanews.com

Hargaysa/Berberanews Sports

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=18742

Posted by on Jul 18 2012. Filed under CAYAARAHA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta