|

Lionel Messi Oo Ku Hanjabay Inuu Talaabo Sharci Ah Ka Qaadayo Majalada Kepes Sport.

Custom Search

Spain (Berberanews Sports):- Lionel Messi ayaa ka fiirsanaya inuu talaabo dhanka sharciga ah ka qaado majalada reer Hungarian ka dib markii weeraryahanka Barcelona uu beeniyay waraysigii ay daabacday oo uu ku sheegayay in markii La Masia uu joogay ay asxaabtiisa u malayn jireen doqon.

Majalada Kepes Sport ayaa shalay daabacday wareysi ay ku sheegeen inay la yeesheen laacibka sannadka adduunka, kaasoo ku qiranayay in Cesc Fabregas uu u sheegay in markii uu yaraa ay u malayn jireen inuu doqon doqon ahaa madaama uu aamusnaa.

Laakiin xiddga reer Argentina ayaa u sheegay TV-ga Argentina Teleam in waraysigaas uu yahay mid been abuur ah.

“Waraysigaas maba ahan mid jira” ayuu Messi u sheegay Teleam.

“Waxaan jeclahay inaan beeniyo inaan wareysigaas sameeyay gabi ahaanba”.

“Waxaan leeyahay xuquuqda aan talaabo sharci ah kaga qaado majalada Kepes Sport” ayuu hadalkiisa ku koobay.

Messi ayaa tababar dib u la bilaabi doona Barca isniinta, ka hor kulankoodda saaxiibtinimo ee Hamburg ay la leeyihiin 24ka July.

Mustafe Maxamud

kastam@berberanews.com

Hargaysa/Berberanews Sports

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=18670

Posted by on Jul 16 2012. Filed under CAYAARAHA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta