Liverpool oo la Wareegtay Ciyaaryahanka Swansea ee Joe Allen
Ciyaaraha-(Berberanews)-Kooxda Liverpool ayaa ku guulaysatay iibka laacibka Swansea ee Joe Allen, kaasoo ay ka bixisay lacag dhan 15 milyan pound, isla markaana toddobaadkii mushahar u qaadan doono 45 kun oo gini.
Tababaraha Liverpool Mr. Rodgers, ayaa ugu dambayn ku guulaystay iibka laacibkan reer Wales oo xidhan doona funnaanad lagu xardhay lambarka 24-aad, isagoo noqonayaa ciyaartoygii labaad ee uu xaggaagan hantiyo.
Mr. Rodgers waxa uu xusay inuu ku faraxsan yahay in Allen yimaad garoonka Anfield, waxaannu qaab-ciyaareedka 22 jirkan ku metelay mid la mid ah qaabka laacibiinta Spain, isagoo intaa ku daray inuu siin doono fursad uu isku muujiyo.
Juventus oo ku Guulaysatay Super cup-ka Talyaaniga iyo Napoli oo Billadihii la Siiyey Diiday
Naadiga Juventus oo ay ka maqan yihiin tababare Antonio Conte iyo ku xigeenkiisa, ayaa ku guulaysatay Super Cup-ka Talyaaniga, kadib markii ay afar gool iyo laba ku jiidhay naadiga Napoli.
Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Buul-shimbireed ee Shiinaha, waxay ku bilaabantay xamaasad iyo weerarro xooggan, balse waxa gool dhalinta furay Cavano oo daqiiqadii 27-aad Napoli goolka koowaad u saxeexay.
Haseyeeshee, Asamoah ayaa 10 daqiiqo kadib u jawaabay, isla markaana Juventus u saxeexay goolka barbar-dhaca, laakiin Pandev ayaa markale kooxdiisa hoggaanka ciyaarta u dhiibay, waxaanay lagu kala nastay 2-1 Napoli ku hoggaaminayso.
Qaybtii labaad markii lagu laabtay ayay Juventus qaadday weerarro kuwii qaybta hore ka culus, waxaana goolka barbar-dhaca oo rigoore ahaa daqiiqaddii 74-aad u saxeexay Vidal, balse Napoli daqiiqaddii 85-aad laga saaray Pandev oo calan-hayaha aflagaadeeyey, halka daqiiqadihii dheeraadka ahaa kaadhka cas loo taagay Zuniga iyo tababare Mazzari.
Haddaba, si labada kooxood loo kala saaro waxa ciyaarta lagu daray 30 daqiiqo, waxaanay Juventus 15kii daqiiqo ee hore heshay laba gool, ciyaartuna waxay ku dhammaatay 4-2 ay Bianconeri guushu ku raacday.
Dhinaca kale, Napoli oo ka gadooday kaadhadhka guduudan ee la siiyey, ayaa diiday inay qaadato billadihii la siin lahaa, isla markaana sheegay in aanay warbaahinta la hadli doonin.
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=19521




