Luka Modric Oo Ku Dhow Inuu Aqbalo Inuu U Dhaqaaqo Spain, Xilli Real Ay Hindistay Doonistiisa.

Custom Search

England (Berberanews Sports):- Luka Modric ayaa ku dhow inuu u dhaqaaqo Spain, iyadoo Real Madrid ay aad ugu baahan tahay inay la soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Tottenham sida ay qortay jariirada Daily Mail.

Warkaas ayaa ah aragtida Modric saaxiibkiisa ahaana ciyaaryahankii hore ee Croatia Mate Bilic kaasoo sheegtay in Manchester United iyo Chelsea ay sidoo kale ku jiraan tartanka 26 jirkaas.

“Saaxiibo fiican ayaan nahay aniga iyo Modric” ayuu weeraryahanka Sporting Gijon yidhi.

“Waxa uu doonayaa inuu ka ciyaaro horyaalka Spain. Waa uu jecel yahay Premier League lakiin waxa uu doonayaa inuu ka ciyaaro Spain. Waxaana uu ku dhow yahay inuu ogolaado inuu halkaas u dhaqaaqo”.

 Waxaana warkaas uu imaanayaa iyadoo Real Madrid ay isku diyaarineyso inay dalbato Modric, waxaana xiddigii hore ee Croatia iyo Real Davor Suker uu isna sheegtay in ninka reer Tottenham inuu ku fiican yahay inuu noqdo galatico, waxaana uu isna sheegtay in Manchester City ay sidoo kale xiiseyneyso ciyaaryahanka.

United iyo Chelsea ayaa dagaal adag ugu jiray ciyaaryahanka, kaasoo doonaya inuu ka tago White Hart Lane oo uu raadsado meel uu ka ciyaari karo Champions League. Kooxda tababare la’aanta ah ee Spurs ayaanan dooneynin inay iska iibiyaan ciyaaryahankooda khadka dhexe, lakiin xagaagii labaad iskama indho tiri karaa dalabyada u imanaya, xitaa hadii aanay jirin koox diyaar la ah lacagta ay ku doonayaan ee ah 35  milyan ginni.

Modric ayaa todobaadkan sheegay inay farxad gelineyso inuu maqlo warar la xidhiidhinaya kooxda Barcelona, inkastoo Barca aysan weli ka hadal hadii ay xiiseynayaan ciyaaryahanka reer Croatia.

Mustafe Maxamud

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17392

Posted by on Jun 18 2012. Filed under CAYAARAHA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta