“Ma Jiraan Wasiirro inay Madaarka Ka Dhoofaan loo diiday.” Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland

Hargeysa(Berberanews)-  Afhayeenka Madaxweynaha Xilka Wareejinaya ee Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Dayr), ayaa sheegay inaanay jirin Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Shaqada ka tegaysa ee Madaxweyne Siilaanyo oo loo diiday inay ka dhoofaan Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa iyo kuwo laga hor-joogsaday inay Madaxtooyada galaan toona.

Afhayeen Dayr waxa uu sheegay inaanay waxba ka jirin Wararkaas oo laysla dhex-marayey Maalmahan, isla markaana sheegayey in Wasiirro doonayey inay dhoofaan loo diiday inay dalka ka baxaan, sidoo kalena qaar kale loo diiday inay galaan gudaha Madaxtooyada oo ay ka socoto qaban-qaabada Xafladda Xil-wareejinta Madaxweynaha wakhtigu ka dhammaaday Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweynaha 13-ka bishii hore la doortay Muuse Biixi Cabdi oo 13-ka bishan lagu wareejin doono Xilka, sida uu Xuseen-Dayr u sheegay Eryal TV.

Haddaba, Afhayeenka Madaxweynaha Shaqada ka tegaya Xuseen-Dayr oo ka Jawaabay Su’aalo Weriye Badri Koosaar oo Eryal TV ka tirsani Maanta ka weydiiyey Wararkaas iyo halka ay marayso qaban-qaabada Xafladda Xil-wareejinta iyo Caleemo-saarka Madaxweynaha la doortay, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:- 




%d bloggers like this: