Berbera News | Daily News Update

Maalinta Saxaafadda Adduunka oo laga Xusay Somaliland iyo Tacaddiyada Weriyeyaasha lagula kacay oo SOLJA soo bandhigay

Hargeysa-(Berberanews)- Maalinta caalamiga ah ee Xorriyatul-qawlka adduunka, gaar ahaan madax-bannaanida Saxaafadda oo 3-da May sannad kasta dunida oo dhan laga xuso, ayaa maanta laga xusay Somaliland, iyada oo xuskaa xaflad ballaadhan loogu sameeyey magaaladda Hargeysa.

Xuska loo sameeyey maalinta Saxaafadda adduunka oo uu soo qaban-qaabiyey Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana munaasibaddaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), Suxufiyiinta kala duwan ee ka hawlgalla magaaladda Hargeysa, masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiyaha Xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE iyo Hoggaanka Ururka SOLJA.

Hoggaanka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa xuskaa ku soo bandhigay tacayaddiyo ay   Xukuumadda Somaliland kula kacday Suxufiyiinta Somaliland, iyaga oo sheegay in 51 Suxufi tacaddiyo kala duwan ay dawladdu kula kacday, isla markaana siyaabo sharciga ka baxsan qaarkood loo xidhay, halka in badan oo ka mid ahi aanay wax dembi ah gelin, qaarkood jidh-dil Ciidammada ammaanku ku sameeyeen. Waxaanay tilmaameen in ay sannadkan 2012 yahay kii ugu darnaa ee taciddiyadii ugu badnaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kula kacday Weriyeyaasha madaxa-bannaan ee ka hawlgala Somaliland.

Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax,  oo xafladdaa ka hadlay ayaa sheegay in sannadkan 2012 51 Suxufi lagu xidhay gobollada Somaliland, isla markaana qaarkood tacaddiyo jidh-dil ah loo geystay, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay in Suxufiyiinta laga daayo dhibaatadda loo geysanayo, isla markaanna la xurmeeyo, haddii uu dambi galo Weriyuhuna si wanaagsan Shuruucda caalamiga ah ee Saxaafadda iyo kuwa Somaliland waafaqsan loola dhaqmo.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland, Xasan Maxamed Yuusuf, ayaa isna ka warramay maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo martay Saxaafadda Somaliland iyo madax-bannaanida xorriyatul-qawlka Somaliland. Gudoomiyaha SOLJA waxa uu xusay in markii ugu horraysay tiro intaas leeg oo Suxufiyiin ah lagu dhibaateeyo Somaliland, waxaanu Wasiirka Warfaafinta Somaliland u soo jeediyey inuu wax ka qabto isku-xidhka Xukuumadda iyo Warbaahinta, wixii dhibaato ahna uu xalliyo.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo Xafladdaa ka hadlay ayaa isaguna ballan-qaaday in wixii dhibaato ah ee jira uu xallin doono, si meesha looga saaro ama loo yareeyo dhibaatooyinka Weriyeyaashu kala kulmaan Xukuumadda, waxaanu Wasiir Boobe soo dhaweeyey wixii dhaliil ah ee wax lagu saxayo.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Xisbil-xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay munaasibaddaa lagu xusamayay maalinta Saxaafadda adduunka, waxaanu Muuse Biixi ka warramay wakhtigii uu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland 1994-kii, markaas oo uu Wariye Xidhay, halka uu Weriye kale isaga oo Wasiir ah gacantiisa ula tagay, isla markaana sheegay in aanay illaa hadda ka hadhin colaaddii berigaa Warbaahinta ka galay, isagoo tilmaamay inay aqoon-darro ka ahayd oo aanu fahansanayn Warbaahinta iyo shaqadeedda, balse markii dambe wax badan uu ka faa’iiday.

Guddoomiye Muuse Biixi waxa kale oo uu sheegay inuu ku barbaaray wakhti la is cabudhiyo, isla markaana dadku aanay xorriyad u hadli jirin, sidaa darteed uu immika ilaaliyo xorriyadda Saxaafadda,kana soo horjeeddo in la cabbudhiyo, maaddaama oo ay bulshaddda kaalin weyn kaga jiraan Weriyeyaashu.

Maanta oo kale oo ku beegan saddexda Bisha May ayaa inta badan dunida looga debbaal-degay Xorriyatul-qawlka Saxaafadda caalamka, iyada oo meelo badan oo dalalka dunida ka mid ah lagu soo bandhigay tacaddiyada intii sannadkan lagu jiray loo geystay Suxufiyiinta dunida meel kasta oo ay ku nool yihiin, isla markaana waxa Ururrada xuquuqda Saxaafadda u doodaa soo bandhigeen in meelaha dhibaatooyinka ugu badan sannadkan loogu geystay Weriyeyaasha noqdeen dalalka Soomaaliya iyo Suriya.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.