Maamulka Dekedda Berbera muxuu ka yidhi Markab Fiidkii Caawa Dab ku qabsaday Dekedda?
Berbera-(Berberanews)- Maareeye Ku-xigeenka Dekedda Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa sharraxaad dheeraad ah ka bixiyey qaabka loogu guulaystay Markab Dekedda fiidkii caawa dab ku qabsaday oo Xoolo u qaadayey Ganacsadaha Carbeed ee Saleebaan Al-Jabiri.
Markabkan oo abbaaro lixdii fiidnimo ee caawa iyo daqiiqado wakhtigii salaadda Makhrib la arkay isaga oo olol iyo qiiq dibedda uga soo boodayaan ayaa waxa u gurmaday hawl-wadeennada dhinaca Dab-demiska Dekedda Berbera, Shaqaalaha kale ee Dekedda iyo Ganacsato kala duwan, kuwaas oo wakhti saacad ku dhaw ka dib ku guulaystay inay bakhtiyaan dabka qabsaday Markabkaas oo aan wax khasaare ah geysan sida uu sheegay Maareeye ku xugeenka Dekedda Berbera Eng. Cumar Abokor.
Waxa Maareeye ku-xigeenka Dekedda Berbera Cumar Abokor Jaamac, sidaa ku sheegay Shir jaraa’id oo uu caawa ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Berbera, isla markaana waxa uu u mahad-celiyey cid kasta oo kala qayb-qaadatay Bakhtiinta Markabkaas oo lagu magacaabo Al-iiman.
Maareeye Ku-xigeenka Dekedda Berbera oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Waxaan u mahad-naqayaa hawl-wadeennada Dekedda Berbera ee qaybta Dab-demisyada iyo guud ahaanba shaqaalaha Dekedda iyo sidoo kale dadweynaha iyo Ganacsatada nagu caawiyey xooggooda iyo Booyadaha Biyaha.”
“Waa Illaahay mahaddii waannu ku guulaysannay in la bakhtiiyo Markabkaas, Salaaddii Makhrib ayaa markii la galeyey ayaa la arkay Markabka oo olol iyo Qiiq badani ka soo boodayo, waa laga hawl-galay oo Shaqaale, Shicib iyo Ganacsato si hagar la’aan ah ayaa loogu gurmaday daminta Dabka Markabka qabsaday. Waxaanu Dabkaasi ka dhashay Caws Markabka la saaray…”
Qaar ka tirsan hawl-wadeennada Dekedda Berbera qaarkood, ayaa Shabakadda Berberanews u sheegay in la baadhayo qaabka dabkaasi ku yimi, iyada oo marna lagu sheegay in Caws Markabka la saaray oo loogu talagalay Xoolaha uu qaadayaa inay jidka ku sii cunaan, marna la sheegay in dabkaasi ka dhashay Wiishka Markabka laftiisa, hase ahaatee, Maareeye ku-xigeenka Dekedda Berbera waxa uu sheegay in Dabkaasi ka dhashay Cawska Markabka la saarey, laakiin-se la baadhayo sababta dabkaas dhalisay.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=18388



-
Designed by