|

“Maanta Xisbi ma lihi ee waxaan leeyahay Tol…..” C/Raxmaan C/Qaadir

Custom Search

Berbera-(Berberanews)- Guddoomiye ku-xigeenkii labaad ee Xisbiga KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax oo qaab jujuub iyo xoog ah looga saaray Xisbigaas, isla markaana laga xayuubiyey xilkii uu hayey Shirweynihii golaha dhexe ee KULMIYE oo qabsoomay 15-ka bishii afraad ee sannadkan oo dhaawacyo lagu gaadhsiiyey loo geeyey Ingiriiska si loo soo daweeyo, ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka oo si diirran loogu soo dhaweeyey.

Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdi-qaaadir inaanu Xisbi lahayn, hase ahaatee uu leeyahay Tol badan oo fiican oo si fiican u soo dhaweeyey, isla markaana ka xumaaday qaabkii saaxiibbadii reer KULMIYE ula dhaqmeen 15-kii April.

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa si diirran ugu soo dhaweeyey Madaarka diyaaradaha ee magaalada Berbera iyo magaalada Hargeysa-ba, Afhayeenka xisbiga UDUB Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Urur-siyaasadeedka Xaq-soor Cali Maxamuud Axmed (Cali-Sandulle), Xildhibaan Ibraahim Rayte, Guddoomiyihii urur siyaasadeedkii Jamhuuriga Axmed Sandoon Xasan iyo dadweyne tiro badan oo ka mid ah bulshada ku dhaqan Caasimadda Hargeysa.

“Aad iyo aad ayaan dadkiinan faraha badan ee I soo dhaweeyay idiin salaamayaa. Runta markaan idiin sheego ma aan filayn in intan oo dad ahi I soo dhawaynayaan. Waxaan is lahaa dhawr qof oo asxaabtaadii ah ayaa kuugu imanaya meesh.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo la hadlayey masuuliyiinta iyo dadweynaha kale ee sida diirran u soo dhaweeyey.

Waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo uu yidhi; “Walaallayaal wixii aan odhan lahaa idinka ayaa hore iyo imikaba ii yidhi oo ku tiiq-tiiqsaday oo gobol kasta iiga hiiliyay. Waxa la iiga hiiliyay Awdal, Togdheer, Hargeysa, Sool iyo Saaxil-ba waa la iiga hiilayay run ahaan. Waxaan idiin sheegayaa 2004-kii ayaan khudbad ka jeediyay Huteelkii Min-sig ee Hargeysa waxaan maalintaasi idhi tol ma lihi ee xisbi baan leeyahay.”

Guddoomiye Ku-xigeenkii labaad ee KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax waxa uu sheegay inaanu xisbi lahayn ee uu tol leeyahay, waxaanu yidhi; “Maanta waxaan leeyahay Xisbi ma lihi ee waxaan leeyahay tol oo bulshadiinan I soo dhawaysay ayaa ii tol ah. Bulshada Somaliland oo ah dad gob ah oo xaqdarada ka dagaalama ayaa ii tol ah.

Waxa iyaguna halkaa ka hadlay Siyaasiyiin ka tirsan Xisbiyada UDUB, Urur-siyaasadeedka Xaq-soor iyo Masuuliyiin kale, kuwaasoo ka hadlay sida ay ugu faraxsan yihiin in Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo Caafimaad-qabaa dalkiisa hooyo dib ugu soo laabtay iyo sida ay uga xumaayeen qaabkii loogula dhaqmay Shirkii golaha dhexe ee KULMIYE oo nabarro lagu gaadhsiiyo, xilka iyo xubinnimadii-ba lagaga xayuubiyey.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=18161

Posted by on Jul 4 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta