Dawladda Israel oo hambalyaysay Madaxweynaha cusub ee Masar iyo nuxurka khudbadiisii ugu horeysey
Masar (Berberanews)-Masar (Berberanews)-dawladda Israa’iil ee jaarka la ah Masar, colaadda weynina ka dhaxayso dawladaha carabta ayaa ka haadashay guusha uu doorashada ka gaadhay murrashaxii Ikhwaan al-muslimiin Maxamed Morsi.
War kooban oo uu soo saaray Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil Binyamin Netanyahu, waxa uu ku sheegay inay ixtiraamayaan doorashada reer Masar, “Waxaannu ixtiraamaynaa natiijada doorashada. Waxaannuna rajaynaynaa in ay sii socoto wada shaqayntii aannu la lahayn maamulka Masar,” ayuu yidhi Binyamin Netanyahu.
Sidoo kalena, Madaxweynaha cusub ee Masar Dr. Maxamad Mursi Ciisa ayaa xalay TV-ga qaranka ee dalkaas ka jeediyey khudbadiisii ugu horeysey tan iyo intii uu xilka madaxtinimada ku guuleystey.
Mursi ayaa sheegay in uu yahay madaxweynaha Masar isagoo muujiyey inuusan dhinac gaar ah ka socon islamarkaana uu ku yimid ogolaanshaha Rabbi kadib, rabitaanka iyo doorashada shacabka Masar.“Waxan ahay madaxweynaha dhamaan dadka Masar hadii ay dalka joogaan iyo hadii ay dibadda joogaanba, ilaahay fadligiisa kadib waxan ku imi rabitaankiina” Mursi ayaa yiri.
Dr. Mursi ayaa dhinaca kale hanbalyo u jeediyey laamaha garsoorka ee Masar isagoo xusay inay karti iyo dadaal dheeri ah muujiyeen, Mursi oo arintaas tilmaamaya waxaa hadaladiisii kamid ahaa” Waxaan u hanbalyeynayaa sharci yaqaanada howlaha doorashada loo xilsaaray iyo kuwa aan loo xilsaarin labadaba, sharciyaqaanada Masar waxay mudan yihiin amaan iyo tixgelin sababtoo ah howl weyn ayey qabteen”.
Mar uu ka hadlayey kacdoonkii Masar wuxuu sheegay in kacdoonku uusan joogsan doonin islamar ahaantaana uu sii socon doona tan iyo inta laga gaarayo dhamaan yoolalkii laga lahaa.
Madaxweynaha cusub ee Masar ayaa ugu danbeyntii ku celiyey balan qaadkiisa ah inuu ku dadaali doono dhowrista xuquuqda aadanaha gaar ahaan xuquuqda dumarka iyo dhallaanka.
Dr. Muxamad Mursi oo noqonaya madaxweynihii ugu horeeyey ee ay dadka dalka Masar si xor ah usoo doortaan wuxuu sidoo kale noqonayaa madaxweynihii 5-aad ee soo mara Jamhuuriyadda Masar.
Doorashada madaxtinimo ee uu ku guuleystey Muxmad Mursi waa tii ugu horeysey ee dhacda wixii ka danbeeyey kacdoonkii xilka lagaga tuuray xukuumaddii Xusni Mubaarak oo isagu muddo 30sano ka badan dalkaas kasoo ariminayey.
Berberanews.com
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17765



