Berbera News | Daily News Update

Madaxweynaha Koonfurta Sudan Silva Kear Oo Sabtida Booqashadii Ugu Horaysay Ku Tagi Doona Khartuum Iyo Oo Soo dhawayn wayn oo loo Diyaarinayay

Khartuum, (Berberanews.com/Aljazeera)- Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Silva Kear ayaa lagu wadaa in Maalinta sabtida ah ee inagu soo foolka leh, uu booqashadii ugu horaysay, nooceeda ee tan iyo intii Dal Madax banaan koonfurta Suudaan Noqotay uu ku tago dalka Suudaan ugu kicitimi doona magaalada Khartuum ee caasimadda Suudaan.

War-muurtiyeed laga soo saaray xarunta wasaarada Arrimaha dibada ee dalka Suudaan oo nuqul ka mid ah loo gudbiyay telefishanka Aljazeera oo warkan lagu shaaciyay, ayaa intaa ku daray in soo dhawayn aad u balaadhan loo samayn doono, madaxweynaha koonfurta Suudaan, isla markaana kooxaha muusiga nabad galyada, safiirada dalalka Afrikaanka ah u fadhiya, Khartuum iyo madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir ay ku qaabili doonaan Madaarka caalamiga ah ee Magaalada Khartuum.

Silva Kear ayaa la sheegay in socdaalkiisan ay ku weheliyaan toban ka mid ah golihiisa wasiirada iyo xubno cul culus oo maalqabeenada iyo dadka magaca leh ee Koonfurta Suudaan ka tirsan. Inta uu joogo Khartuum oo muddo sadex cisho ah ayay ka wada hadli doonaan labada dhinac, xidhiidhka jaarnimo, dhaqaalaha, horumarka, muranka Abyay iyo qodobada aan wali la dhamayn ee ka hadhsan heshiiskii Nifaasha.

Waxyaabaha kale ee labada dal ka wada hadli doonaan ayaa waxa ka mid ah, dhuumaha saliida qaada ee ka yimaada ceelasha shidaalka laga soo saaro ee Koonfurta Suudaan, kuwaas oo laga dhoofiyo waqooyiga Suudaan, waxa kale oo labada madaxweyne ka wada hadli doonaan, wax laga yeelo daymaha tirada badan ee lagu leeyahay dalka Suudaan oo lagu qiyaaso 43-bilyan oo dollar.

Isku soo wada duuboo booqashada madaxweynaha Koonfurta Suudaan ee Magaalada Khartuum waa kii ugu horeeyay noociisa ee uu Suudaan oo laba dal kala ah ku tago halkaas, waxaana lagu wadaa in arrimo badan la iskula falan qeeyo, dhinaca Suudaan ayaa si wayn oo yididiilo ku jirto looga naawilayaa socdaalkan, hasa yeeshee xukuumadda Koonfurta Suudaan kamay hadlin socdaalkan.

Faysal Maxamed Xasan

Berberanews.com Reporter

Email: daralla066@gmail.com

Leave a Reply