BREAKING NEWS
Hargeysa (Aftahannews)- Isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo ee ka dagaallama dalka Yemen ayaa qirtay in ay duqayn dhanka cirka ah ku laayeen tobonaan qof oo rayid ah oo saarnaa gaadhi bas ah bishii lasoo dhaafay uuna ahaa khalad militari oo aan bareer ahayn. Baadhitaan uu sameeyey isbahaysigu ayaa lagu ogaaday in khalad uu dhacay – wuxuuna sheegay in dadkii masuulka ka ahaa weerarka lala xisaabtamo. Dalka Yeman oo dhibaato ay ka taagan tahay Dadka dhintay ayaa caruur u badnaa, weerarka ayaa waxaa ka dhashay dhaliilo caalami ah oo kadhan ah duqaymaha uu Sucuudigu hormudka ka yahay ee kadhanka ah fallaagada Xuutiyiinta ee dalka Yemen. Guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay xulafada uu horkacayo Sacuudiga ee weerarada cirka ka geysanaya Yemen. Warbixin uu soo saaray guddiga xuquuqda carruurta ayaa sheegay in weerarrada aan kala sooc laheyn ee ay xulafadu ku hayso goobaha dadka rayidka ah, ay ku dhinteen boqolaal carruur ah Waxa ay sidoo kale dhaleeceysay waxa ay ugu yeedhay tallaabooyin gaajo loogu dilayo shacabka. Warbixinta ayaa sheegaysa in ka badan saddex milyan oo carruur ah in ay wajahayaan nafaqa darro, iyadoo ay xaalad bani’aadanimo oo xun ay halkaa ka taagan tahay. Xulafada uu horkacayo Sacuudiga ayaa ku adkeysanaysa in duqeymaha cirka ay qaadayso aanay badhtilmaameedsaneyn dadka rayidka ah.
Search

Madaxweynaha Oo Maanta Isugu Yeedhay Shir Gudoonka Guurtida, Wakiilada  Iyo Axsaabta Qaranka Somaliland

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta isugu yeedhay, isla markaana kulan gaar ah la qaatay shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax iyo gudoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid ee UCID  iyo WADDANI,  Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Kulanka uu madaxweynuhu la yeeshay shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada iyo guddoomiyeyaasha axsaabta mucaaridka ah, ayaa daarranaa sidii qaran ahaan talo midaysan looga yeelan lahaa arrimaha ku soo kordhay mandaqadda Geeska Afrika maalmihii u danbeeyey, waxana la isla gorfeeyey sidii meel looga soo wada jeesan lahaa la iskuna duubnaan lahaa qaran iyo shacbi ahaanba.

Sidoo kale, Waxaa kulankaasi la isku hogo-tusaaleeyey muhiimadda ay leedahay in la dhawro midnimada iyo isku-duubnida shacabka reer Somaliland, meelna looga soo wada jeesto danta guud ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

 

  Maxamuud Warsame Jaamac              

Afhayeenka Madaxweynaha JSL

Share Button
Please follow and like us:
0