|

Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyaha KULMIYE oo ka hadlay 52-guurada ka soo wareegtay Maalintii dunida laga taagay Calan Soomaaliyeed

Custom Search

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa ka hadlay 52-guurada ka soo wareegtay markii calankii ugu horreeyey ee ay Soomaaliyi yeelato laga taagay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland 26 June 1960, wakhtigaas oo ay Somaliland xornimada ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska oo muddo sagaashan sano ku dhaw ka talinaysay dalkan.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maalintan oo Berri ku beegan awgeed hambalyo iyo bogaadin u diray guud ahaanba shacabka Somaliland oo uu u rejeeyey inay sannadkan sannadkiisa ku gaadhaan barwaaqo iyo guul iyo iyadoo Somaliland aqoonsi buuxa ka heshay beesha caalamka. Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbil-xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna hambalyo u diray shacabka Somaliland.

War-Saxaaadeed kooban oo uu caawa soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo shacabka Somaliland hambalyo u diray meel kasta oo ay dunida ka joogaan. Waxaanu qoraalka War-saxaaafadeedkaasi u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu  Dhambaal Hambalyo ah u diray Shacbiga Somaliland meelkasta oo ay joogaan, Xuska Munaasibada 52-guurada ka soo wareegtay 26-June-1960-kii, oo ah maalintii ay Somaliland madax-banaanideeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska.

Maalintan oo ah Maalin Taariikhda Somaliland Qiimo weyn ugu fadhida waxa uu madaxweynuhu u rajeeyey Illaahay-na uga beryay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Shacbiga   gudo iyo debedba inay Sannadka Sannadkiisa ku gaadhaan Guul, Barwaaqo, iyo Somaliland oo si buuxda uga mid  noqotay dawladaha la aqoonsanyahay.

Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisan si adag ugu sheegay  inay Jamhuuriyadda Somaliland guul joogto isla markaana ay buuxisay dhamaan Shuruudihii looga baahnaa aqoonsiga.

Madaxweynuhu waxa uu beesha caalamka ugu yeedhay inaanay  la masuugin aqoonsiga  ee ay ixtiraamaan taariikhda qarannimada Somaliland, Go’aanka Shacbiga iyo dadaalka ay ku  xaqiijiyeen dal nabada, iyo hannaan  dawladnimo, dimuqraadiya  oo si wacan u hanaqaaday sidaana  la wada ogyahay loona qirsanyahay.

Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland ku dhiiri-geliyey inay iska jiraan oo ay ka feejignaadaan cadaw kasta iyo cid kasta oo isku dayda iny  wax u dhimaan ama dhawacaan wada jirka umadeena Somaliland iyo nabad-gelyada Qarankeena.”

Geesta kale, Guddoomiyaha Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa war qoraal ah oo uu maalintan kaga hadlayo soo saaray, waxaanu u dhignaa sidan: “Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ku hadlaya magaca xisbiga KULMIYE iyo taageerayaashiisa, waxa uu hambalyo iyo boggaadin u diraya shacabka Somaliland guddo iyo dibadba meel kasta oo ay joogaan, munaasibada 52 guuurada ka soo wareegtay markii Somaliland xornimada ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska 26 June. 1960. Waxa uu Ilaahay uga baryaya shacabka Somaliland inay horumar, nabadgelyo iyo barwaaqo ku gadhaan sannad-guuradan sannad-guuradeeda.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa uu hambalyo taas la mid ah ah u diraya madaxweynaha dawladda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, anah guddoomiyaha xisbiga talada haya ee dawladda Jabuuti, iyo dadka reer Jabuuti, isaga oo ka hambalyeyna 27 June, 1977-kii oo ah maalintii ay Jabuuti ka xorowday guumaysigii Faransiiska, waxaannu Ilaahay uga baryayaan inay nabadgelyo iyo horumar ku gadhaan sannadaas sannadkiisa,” ayaa lagu soo gebagebeeyey qoraalka hambalyada ah.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17792

Posted by on Jun 25 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta