|

Madaxweynaha Somaliland iyo Hoggaamiyihii Kooxda SSC oo Kulan ku yeeshay Dubai iyo waxyaaba ay ka wadahadleen

Custom Search

Dubai-(Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Hoggaamiyaha Kooxdii hubaysnayd ee SSC oo Somaliland ka soo horjeedday Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye), ayaa kulan ku wada yeeshay Qasriga uu Weftiga Madaxweynuhu ka deggan yihiin magaalada Dubai oo ay safar shaqo ku joogaan.

Waxaanay Madaxweyne Siilaanyo iyo Saleebaan-Xagla-toosiye ka wadahadleen sidii nabadgelyo buuxda looga dhalin lahaa deegaannada Buuhoodle iyo qaybo gobolka Sool ka tirsan. Waxaana sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), kaasoo uu caawa soo saaray, isla markaana lagu faahfaahiyey nuxurka kulankaas.

Qoraalka warkaasina waxa uu u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Waxa uu maanta ku qaabiley Qasriga uu degan yahay ee MINA-SALAAMA HOTEL, Hogaamiyaha Kooxdii SSC, Saleebaan  Ciise  Axmed Kaar (Xaglatoosiye).

 Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha SSC waxay ka wada hadleen sidii deegaannada Buuhoodle iyo qaybo ka mida Sool loogu soo dabaali-lahaa nabad-gelyo buuxda oo taam ah.

Madaxweynaha iyo Gudoomiyuhu waxay  istu-seen isla markaana kuwada Qanceen baahida ay shacbiga deegaanadaasi u qabaan in ay walaalahooda dalka ee kale la wadaagaan horumarka dhanwalba leh ee wax-barashada, Caafimaadka, Nabad-gelyada iyo Adeeg-yada kale ee ay noloshu u baahan tahay oo dhan, sida biyaha Iwm.

Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu balan qaaday inuu dhiniciisa soo dhawaynayo dedaalka lagu soo Af-jarayo khilaafka jira oo dhan, wuxuuna hogaamiyaha SSC-da kula dar-daarmay inuu si dhakhso ah uga hawl-galo.

Saleebaan  Ciise  Axmed Kaar (Xaglatoosiye)na waxa uu balan qaaday inuu ka hawl-gelayo sidii khilaafka loo soo Af-jari lahaa, waxaanu sheegay inay reer soomaaliland yihiin dad wada dhashay oo aan sinaba u kala maarmaynin, Dantuna ay ku jirto wax-wada qabsiga iyo wada-jirka.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17998

Posted by on Jun 30 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta