Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyey Berbera, kana hadlay guulaha Safarkooda
Berbera-(Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo safar shaqo ugu maqnaa magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, iyada oo Weftiga si diirran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera oo ay ka soo degeen.




Madaxweynaha iyo Weftigiisa waxa garoonka diyaaradaha ee Berbera ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaannada Golayaasha Baarlamanka, Maamulka Gobolka Saaxil, Degmada Berbera, Masuuliyiin laamaha dawladda ka kala tirsan, Saraakiil ka socday Xisbiyada siyaasadda iyo dadweyne kale oo tiro badan. Waxaanu Madaxweyne Siilaanyo salaam sharaf ka qaadday qaar ka tirsan Ciidammada Qaranka Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo qolka nasashada ee garoonka diyaaradaha Berbera kula hadlay Warbaahinta, ayaa ka warramay guulaha ay kala soo laabteen Safarkooda, muhiimadda kulammo uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan dawladda Imaaraadka.
“Waxa aniga iyo Weftiga heer Qaran ah ee ila socotaaba aanu marka hore aad u salaamaynaa ummadda reer Somaliland. Farxad weyn ayay noo tahay inaanu dalkii dib ugu soo laabano. Waxaanu tagnay oo ka qeyb galay shir beesha caalamku ay iskugu yeedheen Somaliland iyo Soomaaliya.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo.
Waxaanu Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wataa intaa raaciyey oo yidhi; “Shirkan oo daba socday shirarkii laga soo ambo-qaaday dalka UK oo lagu baaqay in labada dal wada hadal yeeshaan. Kulankanna kuwaasi ayuun buu daba socday. Waxaannu Madaxweynaha Soomaaliya isku afgarannay oo ka wadahadalnay in wadahadallada labada dhinac ay sii socdaan oo wixii maslaxad loo arko laga wadahadlo.”
“Annagu haddii aannu Somaliland nahay waxaannu mar walba ku adkaysanay, kuna adkaysanaynaa inaan waxba ka qabin wada hadalka walaalahayaga Soomaaliya wax wada qabsigeedda, Hase ahaatee gooni isu taaga Somaliland aanu ahayn marnaba wax gor-gortan geli kara oo madax-banaanideedu tahay lama taabtaan.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Somalialnd Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Geesta kale, Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa tafaasiil ka bixiyay qodobadii shirkii labada madaxweyne Ku yeesheen magaaladda Dubia, waxaanu tilmaamay in kulankaasi diirrada lagu saaray sidii ay labada dal u sii wadi lahaayeen kulamadooda wada xaajoodka ah.
Waxaanu Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaa yidhi; “Kulankii ay labada madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya yeesheen waxa nuxurkiisu oo ay isku waafaqeen in la sii wado oo taageero buuxda la siiyo shirkii labada Gudi ee Somaliland iyo Soomaaliya ka kala socday ee lagu qabtay magaaladda London iyo qodobadii ka soo baxay. Waxa labada madaxweyne ogolaadeen waxa uu ahaa in qaabka loo wada hadlayaa uu noqdo oo loo wada hadlo laba dhinac oo kala ah Somaliland oo dhinac ah iyo Dawlada TFG-da Soomaaliya oo dhinaca kale ah.”
“Laba Madaxweyne waxay fasaxeen in labadda gudi ay gudo galaan arrimaha muhiimka u ah laba dal ee bartilmaameedka laga dhigay shirkii hore. Waxaanu markaa rajaynaynaa in wada hadaladani ay Somaliland horumar weyn u yeeshaan madax-banaanideeda iyo horumarkeedaba.waxaanu rajaynaynaa inaanu Soomaaliya la yeelano xidhiidh wanaagsan oo jaarnimo.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland Maxamed C/llaahi Cumar.
Dr. Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay in labada dhinac ay ku wada heshiiyeen in ay iska kaashadaan Nabad-gelyada mandaqada oo uu tilmaamay in mudnaanta koowaad la siinayo.
Sidoo kale, Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa isaguna hadal kooban oo uu ka jeediyay shirkaasi jaraa’id waxa uu sheegay inay Somalia wada hadalka la sii wadayaan, hase yeeshee ay geed ka go’an iyo lama taabtaan tahay madax-banaanida Somaliland.
Intaasi ka dib waxa madaxweynaha la weydiiyay su’aalo u dhacay sidan: S: Md. Madaxweyne, dalka Imaaraadka carabta ee marti-geliyay shirkii aad la yeelatay Madaxweynaha Somalia, waxa lagu tiriyaa inuu safka hore kaga jiro dalalka ka soo hor jeeda qadiyada madax-banaanida Somaliland. Markaa ma ku qanacsan tihiin qaabkii ay shirka u qabteen. Mar kalese kulamo ma kula yeelan doontaan Soomaaliya dalka Imaaraadka ama dal kale oo carbeed-ba?.
J: Dalkaasi anaga (Somaliland) iyo Soomaaliya ayay ina wada hadashiinayeen ee iyagu door kamay qaadanayn wada hadalka. cid kasta ha noqotee cidii iskugu kaaya yeedha. Wixii aanu u aragno madax-banaanida Somaliland waa mid aanu ku adag nahay oo aanaan cidna u dabo fadhiisanayn. Dunidda wixii ina dhex dhexaadinaya inaga iyo Soomaaliya ma iskugu keen yeedhaya cidna kuma gacan saydhayno.
S; Madaxweyne Kulankan aad la yeelatay Madaxweynaha Soomaaliya muxuu ka tarayaa aqoonsigii aynu mudada dheer aynu doonaynay?.
J: Wuxuu shirkani ka tarayaa inay Somaliland Sh. Shariif iyo cid kasta u caddayso mowqifkooda iyo gooni isu taagooda. Somaliland qaranimadooda way ku adag yihiin, in kasta oo aanay diidaynayn in wax la qabsiga Soomaaliya iyo danaha badan ee ka dhaxeeya ee ay ka mid yihiin mucaawimada iyo budhcad badeedda.
Madaxweynaha Somaliland waxa weftigiisa xubno ka ahaa Guddoomiyeyaasha sadexda xisbi qaran ee UDUB, KULMIYE, UCID, Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada, Wasiirrada Arrimaha dibada, Madaxtooyada, Gaashaan-dhiga, Marwada Koowaad ee Madaxweynaha, Afhayeenka Madaxtooyadda , Maareeyaha dekada Berbera iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha.
Waa markii ugu horreysay ee Madaxweyne Somaliland ah iyo Wefti uu hoggaaminayaa kulan la yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wefti uu hoggaaminayo tan iyo markii ay Somaliland ku dhawaaqday 18-kii May 1991-kii inay ka go’day dalka Soomaaliya.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=18142



-
Designed by