BREAKING NEWS
Hargeysa (Aftahannews)- Isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo ee ka dagaallama dalka Yemen ayaa qirtay in ay duqayn dhanka cirka ah ku laayeen tobonaan qof oo rayid ah oo saarnaa gaadhi bas ah bishii lasoo dhaafay uuna ahaa khalad militari oo aan bareer ahayn. Baadhitaan uu sameeyey isbahaysigu ayaa lagu ogaaday in khalad uu dhacay – wuxuuna sheegay in dadkii masuulka ka ahaa weerarka lala xisaabtamo. Dalka Yeman oo dhibaato ay ka taagan tahay Dadka dhintay ayaa caruur u badnaa, weerarka ayaa waxaa ka dhashay dhaliilo caalami ah oo kadhan ah duqaymaha uu Sucuudigu hormudka ka yahay ee kadhanka ah fallaagada Xuutiyiinta ee dalka Yemen. Guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay xulafada uu horkacayo Sacuudiga ee weerarada cirka ka geysanaya Yemen. Warbixin uu soo saaray guddiga xuquuqda carruurta ayaa sheegay in weerarrada aan kala sooc laheyn ee ay xulafadu ku hayso goobaha dadka rayidka ah, ay ku dhinteen boqolaal carruur ah Waxa ay sidoo kale dhaleeceysay waxa ay ugu yeedhay tallaabooyin gaajo loogu dilayo shacabka. Warbixinta ayaa sheegaysa in ka badan saddex milyan oo carruur ah in ay wajahayaan nafaqa darro, iyadoo ay xaalad bani’aadanimo oo xun ay halkaa ka taagan tahay. Xulafada uu horkacayo Sacuudiga ayaa ku adkeysanaysa in duqeymaha cirka ay qaadayso aanay badhtilmaameedsaneyn dadka rayidka ah.
Search

Madaxweynaha Somaliland oo dhambaal hambalyo ah u diray Raysal-wasaaraha cusub ee Itoobiya

Hargaysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya afka dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo ka shacbiga waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa Ra’isal Wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Dr. Abiy Ahmed Ali oo maanta si rasmi ah u noqday ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya, isla markaana hore loogu doortay inuu noqdo guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee EPRDF.

Madaxweynuhu sidoo kale wuxu hambalyeynayaa dalka iyo shacbiga aynu jaarka nahay ee Ethiopia oo uu inaga dhexeeyo xidhiidh qoto dheer oo salka ku haya deris wanaag, ganacsi iyo iskaashi nabadgalyo.

Waxa Hubaal ah in aynu wadaagno dalka Ethiopia taariikh ma guurto ah iyo saaxiibtinimo soo taxnayd wakhti dheer, waxaanu madaxweynuhu ku sifeeyey ra’isal wasaaraha cusub siyaasi ka sii amba qaadi kara halka uu taagan yahay wakhtigan dalka Ethiopia, wuxuuna u rajeeyey guul, horumar iyo inuu sii xoojiyo xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya dalalka Somaliland iyo Ethiopia.

 

Madaxweynuhu wuxuu uga mahadnaqay ra’isal wasaarihii hore ee is casilay Hailemariam Desalegn, sidii fiicnayd ee uu u adkeeyey xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeya.

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Share Button
Please follow and like us:
0