|

Madaxweynaha Somaliland oo hambalyeeyay xidiga weyn ee MO Farax

Custom Search

Hargeys-(Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa si weyn ugu diirsaday guulaha is daba jooga ah ee xidiga weyn ee reer Somaliland isla markaana haysta jinsiyada Ingiriiska Mo Farah uu ka soo hooyay tartanka Olombiga adduunka ee ka socda magaalada London. Kaasi oo caawa ku guulaystay tartanka orodka 5000m. isagoo horena hantay orodka 10.000m.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu dhambaal hambalyo iyo taageero iskugu jiray u diray Mo Farah oo uu ku sifeeyay tusaale wanaagsan u yahay jiilka cusub ee Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed caawa ka soo baxay xarunta madaxtooyadda oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxweynaha Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa dhambaal Hambalyo iyo Taageero iskugu jira u diray Orodyahanka caalamiga ah ee reer Somaliland Mo Farah isla markaana haysta jinsiyada Ingiriiska, kaasi oo ku guulaystay biladdii labaad ee dabab ah. Ka dib markii caawa ku guulaystay tartankii Orodka 5000m ee ciyaaraha Olombiga ee ka socda magaaladda London.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud waxa uu ku farxay isla markaana ku bogaadiyay halyaygan weyn ee wacdaraha ka muujiyay fagaareyaasha ciyaaraha adduunka. Waxaanu Madaxweynuhu sheegay inay guusha Mo Farah tahay guul u soo hoyatay shucuubta Somaliland iyo dalka Britain-ba.

Madaxweynuhu waxa uu ku booriyay Orod-yahan Maxamed Faarax oo dhawaana ku guulaystay tartankii 10000m inuu sii wado dedaalka weyn ee uu ka sameeyay dunida ciyaaraha.

Madaxwene Axmed Maxamed Maxamuud waxa uu dhalinyaradda dalka ku guubaabiyay inay ku daydaan Mo Faarax oo ay awooda saaraan inay heer wanaagsan ka gaadhaan noocyada kala duwan ee ciyaaraha. Madaxweynuhu wuxuu halyaygan ku sifeeyay tusaale wanaagsan u yahay jiilka cusub ee Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu ugu dambayn ku bogaadiyay dawladda Ingiriiska ee uu magaceeda ku ordayo Mo Farah isagoo ku bogaadiyay guulaha waaweyn ee ay ka gaadheen tartanka Olomiga adduunka ee 2012 oo ka socda Magaalada London.”

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=19485

Posted by on Aug 12 2012. Filed under CAYAARAHA, WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta