Berbera News | Daily News Update

Madaxweynaha Somaliland oo ka qayb-galay qalin-jabinta Cutubyo ka tirsan Ciidanka

Hargeysa(Berberanews)Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Gaashaan-dhiga iyo Saraakiil kale oo ka tirsan laamaha Ciidamada, ayaa ka qayb-galay munaasibad qalin jabin ah oo loo sameeyey Cutubyo ka tirsan Ciidanka oo dhamaystay tababar.

Munaasibada ayaa waxa hadal ka jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, kaasoo ka warbixiyey muhiimada Ciidanku u leeyihiin dhismaha iyo haykalka dawladnimo.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyey hab-dhaqanka Ciidamada iyo sharafta ku gedaaman marka ay tababarka dhamaystaan.

Halkan ka Daawo:

Wasiirka Gaashaan-dhiga iyo Abaanduulaha Ciidanka Qaranka oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey sooyaalkii tababarkani soo maray.

Halkan ka Daawo: