|

Madaxweynaha Soomaaliya oo markii ugu horreysay Hay’adaha Amniga ugu baaqay inay nabadgelyada sugaan

Custom Search

Muqdisho-(Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii ugu horreysay tan iyo markii Madaxweynaha loo doortay 10-kii bishan September 2012, maanta Hay’adaha ammaanka ugu baaqay inay fadhiga ka kacaan, isla markaana la tacaalaan argagixisada weerarrada qaraxyada iyo dilalka is daba-joogga ah ka fulinayey Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sidaa ku sheegay War qoraal ah oo maanta ka soo baxay Xafiiskiisa Villa Soomaaliya, waxaanu sidoo kale Madaxweynuhu cambaareeyey weerrara waxiishnimada ah ee lagu bartilmaameedsanayo Saraakiisha dawladda, Suxufiyiinta dawladda iyo kuwa madaxa-bannaan ee Muqdisho ka hawlgala, waxaanu si kulul u cambaareeyey dil xalay lagula kacay Xildhibaan Xildhibaan Mustafe Xaaji Maxamed oo ka tirsanaa Baarlamanka Soomaaliya oo Muqdisho lagu dilay.

Madaxweynaha ayaa hay’adaha amniga ugu baaqay, isla markaana ku war-geliyay in ay dardar-galiyaan sugidda nabadgelyada, isagoo sidoo kalana hoosta ka xariiqay muhiimada amingu ku leeyahay qorshe siyaasadeedkiisa si looga hortago dilalka guracan ee markasta loo geesto shacabka iyo masuuliyiinta qaranka.

“Waxaan Hay’adaha ammaanka Qaranka Soomaaliyeed iyo Ciidammada AMISOM ugu baaqayaa inay muujiyaan dedaal dheeraad ah oo lagu sugayo amniga Caasimadda iyo guud ahaanba dalka.” Ayuu ku yidhi Madaxweynaha Soomaaliya qoraalka Xafiiskiisa ka soo baxay maanta.

“Waxaan tacsi u dirayaa qoskii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay mas’uulka qaran. Waxaan Allaah uga baryayaa Xildhibaan Mustafe Maxamed Cabdullahi in uu janadi rabi ka waraabiyo, samir iyo iimaana ka siiyo eheladii uu ka tagay.” Sidaa ayaa lagu yidhi warka qoraalka ah ee uu soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Berberabews.conm

Hargeysa/Somaliland.

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=20902

Posted by on Sep 23 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta