Berbera News | Daily News Update

Madaxweyne Biixi oo Cisbitaalka ku booqday Wasiir ka tirsan Xukuumadda oo xannuun ku soo booday

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa booqday Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf oo xaalad caafimaad loo dhigay Cusbitaalka Hal-door ee Caasimada Hargeysa.

Sida lagu sheegay Warsaxaafaddeed kooban oo ka soo baxay qasriga Madaxtooyada, Wasiirka ayaa waxa ku soo booday xanuun deg deg ah.

Waxaanu Madaxweynuhu wasiirka Alle uga baryay inuu caafimaad taama siiyo, isaga iyo intii xaalad caafimaad u jiifta.