Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo reer Burco kala qaybgalay xuska sanad-guurada 27-aad ee 18 May

Burco(Berberanews)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdulaahi Ismaaciil Saylici, ayaa Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer kaga qaybgalaymunaasibad ballaadhan oo lagu xusay maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May.

Munaasibada xuska 18 May, ayaa lasoo qadimay kadib markii ay ku beegantay Bisha barakaysan ee Ramadaan.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, oo kumanaan qof oo shacbiga ku dhaqan Xarunta gobolka Togdheer kala  qaybgalay munaasibadaa oo lagu qabtay Fagaaraha Khayriyada ee Burco, ayaa shacbiga Gobolkaa ku hambalyeeyey xuska sanad-guurada 27-aad ee ka soo wareegtay markii dib ula soo noqoshada Qaranimada Somaliland ee lagaga  dhawaaqay Magaalada Burco 18 May 1991-kii.

Halkan ka Daawo Muuqaalka Xuska 18 May ee lagu qabtay Magaalada Burco.

Share Button
Please follow and like us:
0