BREAKING NEWS
Hargeysa (Aftahannews)- Isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo ee ka dagaallama dalka Yemen ayaa qirtay in ay duqayn dhanka cirka ah ku laayeen tobonaan qof oo rayid ah oo saarnaa gaadhi bas ah bishii lasoo dhaafay uuna ahaa khalad militari oo aan bareer ahayn. Baadhitaan uu sameeyey isbahaysigu ayaa lagu ogaaday in khalad uu dhacay – wuxuuna sheegay in dadkii masuulka ka ahaa weerarka lala xisaabtamo. Dalka Yeman oo dhibaato ay ka taagan tahay Dadka dhintay ayaa caruur u badnaa, weerarka ayaa waxaa ka dhashay dhaliilo caalami ah oo kadhan ah duqaymaha uu Sucuudigu hormudka ka yahay ee kadhanka ah fallaagada Xuutiyiinta ee dalka Yemen. Guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay xulafada uu horkacayo Sacuudiga ee weerarada cirka ka geysanaya Yemen. Warbixin uu soo saaray guddiga xuquuqda carruurta ayaa sheegay in weerarrada aan kala sooc laheyn ee ay xulafadu ku hayso goobaha dadka rayidka ah, ay ku dhinteen boqolaal carruur ah Waxa ay sidoo kale dhaleeceysay waxa ay ugu yeedhay tallaabooyin gaajo loogu dilayo shacabka. Warbixinta ayaa sheegaysa in ka badan saddex milyan oo carruur ah in ay wajahayaan nafaqa darro, iyadoo ay xaalad bani’aadanimo oo xun ay halkaa ka taagan tahay. Xulafada uu horkacayo Sacuudiga ayaa ku adkeysanaysa in duqeymaha cirka ay qaadayso aanay badhtilmaameedsaneyn dadka rayidka ah.
Search

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo safar diyaaradeed ku soo kormeeray Khasaaraha Roobabku gaadhsiiyeen Galbeedka

Saylac(Berberanews):- Maamulka gobolka Selel iyo degmada Saylac, ayaa ka warbixyey Khasaaraha ka dhashay Roobabka Mahiigaanka ah ee Dabaylaha watay ee saddexdii maalmood ee u dambeeyey sida is-daba-joogga ah uga da’ayey Xeebaha Somaliland, iyaga oo sababay Roobabka ka da’ay deegaannada Xeebta raacsan ee gobollada Awdal iyo Selel Dhimashada 29 Ruux, halka ay Dad 27 lagu sheegayna la raadinayo oo aan weli lahayn, 12 kalena ku dhaawacmeen, waxa ay Roobabku laayeen Xoolo badan oo Geel iyo Adhi u badan, Beero iyo Guryo badan oo ay dumiyeen.

War uu Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac ka soo saaray khasaaraha maanta ayuu sheegay in 25 Ruux dhinteen, 27 kalena la raadinayo, isla markaana khasaare badan oo Guryo ah dhaliyey. Hase-yeeshee, Wararka kale ee Warbaahintu helayso ayaa sheegaya in Dhimashadu tahay 29 illaa 30 Qof inta la xaqiijinayo illaa hadda. Waxa gadoonsan magaalooyin dhawr ah oo Lughayaha ka mid tahay, Baki iyo kuwo kale oo aan xataa Gurmad la gaadhsiin, lana gaadhsiin kari waayey markii ay Waddooyinka Gaadiidka Xamuulka sidaa mari lahaayeen go’een.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici iyo Masuuliyiin dawladda Jabuuti ka tirsan oo Diyaarad kuwa qumaatiga u kaca, ayaa kormeer ku maray hawada sare ee deegaannada Roobabka Dabaylaha badan watay saameeyeen ee gobollada Selel iyo Awdal, halka ay meelaha qaarna fadhiisatay Diyaaraddaasi oo ay Masuuliyiintu Dadka kula hadleen.

Warka Masuuliyiinta Maamulka gobolka Selel iyo Awdal, Saxaafadda siiyeen, ayaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-.

Share Button
Please follow and like us:
0