|

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay is-beddelka siyaasadeed ee Soomaaliya, qaddiyadda Somaliland, farriin culus-na caalamka u diray

Custom Search

 

Somaliland-(Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay isbeddellada siyaasadeed ee ka socda dalka Soomaaliya iyo aragtida ay Somaliland ka qabto, isla markaana wuxu baaq u jeediyey beesha caalamka guud ahaanba.

Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo saaka Salaaddii Ciidul-fidriga dadweyne tiro badan oo reer Hargeysa ah kula tukaday Masaajidul-jaamaca ee magaalada Hargeysa, waxa uu markii Salaadda la tukaday ka dib, halkaa ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay qaddiyadda Somaliland, kala guurka iyo isbeddellada siyaasadeed ee Soomaaliya ka socda iyo sidoo kale sida aanay Somaliland saamayn ugu lahayn arrimahaasi.

Madaxweynuhu waxa uu shacabka ugu baaqay in wada-jir loo ilaaliyo amniga Somaliland, isla markaana waxa uu ugu hambalyeeyey munaasibadda Ciidul-fidriga awgeed guud ahaanba shucuubta Islaamka, gaar ahaanna reer Somaliland, waxaanu Madaxweynuhu u duceeyey dadka xanuunsanaya in Illaahay caafimaad siiyo, Acmaashii Ramadaantana innaga aqbalo. “Waxaan shacbiga u soo jeedinayaa inaynu ilaashano nabad-gelyada dalka iyo midnimadda Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Waxa uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo ka hadlaya arrimaha dhinaca siyaasadda ee Soomaaliya ka socda, waxaanu yidhi; “Waxaan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo walaalaheenna Koonfureed ee Soomaaliya arrimaha ka socda dalkaasi waxaan doonayaa inaan u caddeeyo dadweynaha iyo caalamkaba in Somaliland ay tahay dal madax-bannaan.”

“Waxaan jeclahay inaan dunida ka dhaadhicinno in ummaddani ay tahay mid madax-bannaanideeda muddo dheer u soo halgantay oo wax ka joojinaya iyo wax ka beddelayaa midna aanu jirin Qaranimadeeda. Waxaannu jecelnahay in Dalkaas (Soomaaliya) ee aannu Walaalaha nahay iyagana Illaahay dhibaatada ka dul-qaado oo nabad-gelyo iyo dawladnimo ay samaystaan oo dad jaar ah oo walaalo ah aannu noqonno.” ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo.

Waa markii ugu horreysay ee uu Madaxeynaha Somaliland ka hadlo arrintan tan iyo intii hannaanka isbeddelka siyaasadeed ee Soomaaliya bilaabmay, sida ansixintii Dastuurka cusub ee Soomaaliya, xulitaanka Baarlamanka cusub oo isniinta berri la filayo inay fadhigoodii ugu horreeyey yeeshaan, isla markaana shir-guddoon doortaan, ka dibna inta ka horraysa 21-ka bishan August ee aynu ku jirno doortaan Madaxweynaha Soomaaliya hoggaamin doona.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

info@berberanews.com

 

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=19764

Posted by on Aug 19 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta