|

Madaxweyne Siilaanyo oo la sheegay inuu Shirkad Carbeed Dubai kula Saxeexday Heshiis uu ugu Dhiibayo Maamulka Dekedda Berbera

Custom Search

Dubai-(Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayay war Hordhac ah oo aanu ka helayno Dubai sheegayaan inuu shirkadda Jebel Cali ee dalka isu-taga Imaaraadka Carabta la saxeexday Heshiis Maamulka Dekedda Berbera uu ugu wareejinayo.

Sida ay Ganacsato iyo Maal-qabeenno Reer Dubai ahi sheegeen waxa Heshiiskaasi wadagalay Xukuumadda Somaliland iyo Dalka Isutaga Imaaraadaka Carabta waxaana u kala saxeexay Maareeyaha Dekedaha Dalkaasi iyo Maareeyaha Dekedda Berbera Eng: Cali Cumar Maxamed (Cali-Xoor-Xoor) oo ka mid ah Weftiga Madaxweyne Siilaanyo.

Sida ay ilo wareedyadaasi Wargeyska Waaheen oo aannu warkan ka soo xigannay u xaqiijiyeen Weftiga Somaliland waxa wadahadalada ay Dalkaasi kula yeesheen Xukuumadda Sh Shariif masuul uga ahaa Dawladda Imaaaraadka Carabta Wasiirka Arrimaha Dibeda Dalkaasi iyo Maareeyaha Dekeddaha ee Dalkaasi isla markaana ah masuulka u qaabilsan la-dagaalanka Budhcad Badeeda.

Illaa hadda si rasmi ah looma oga Heshiiskaasi waxa uu dhigayo, mudada uu yahay iyo qiimaha uu ku kacay, hase yeeshee Ilo wareedyadda Warka noo soo tabiyay waxa ay sheegeen in Heshiiskaasi Saxeexiisa Xukuumadda Somaliland ku heshay lacag lagu qiyaasay shan iyo labaatan Milyan oo Dollar.

Si kasta ha ahaatee Shirka la-dagaalanka Budhcad-Badeeda ee uu Dalka Imaaraadku martigeliyay iyo wadahadalada labada Madaxweyne ee Somaliya iyo Somaliland waxa ku hoos lamaanaa Heshiiska Dekedda Berbera iyo Dekeddha Somaliya oo la sheegay Dalalka Carabtu inay aad u danaynayaan waxaanu la xusay in Dekedda Muqdishona lagala hadlay Madaxweynaha Somaliya iyo Maareeyaha Dekedaasi, kuwaasoo dhawaana Imaaraadku ay la wareegi doonaan Maamulkeeda.

Xukuumadda Somaliland ilaa hada wax war ah kamay soo saarin warkan Sheegaya in ay Heshiis kula gashay Dalka Imaaraadka Maamulka Dekedda Berbera oo lagu wado inay Imaaraadku ka dhigi doonaan  goob lagu soo xidho Ganacsiga Caalamka sida Dekedda Jabuuti oo kale oo hore loogu wareejiyay Jebel Cali.

Imaaraadka ayaa waxay tobanka Dekadood ee Caalamka kaga jiraan kaalinta Sadexaad, waxaanay ku jiraan tartan Xoog ah oo ay kula jiraan Dekedaha kale ee Caalamka, iyagoo nidaam ahaan iyo qalab ahaanba awood ku leh Caalamka.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore Heshiisyo ula gashay Dawladda Itoobiya iyo Dalka Shiinaha sidii Shiidaalka Itoobiya looga dhoofin lahaa hase yeeshee Heshiiskaasi meel uu jaan iyo Cidhib dhigay Dib looma arag.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

 

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17984

Posted by on Jun 30 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta