|

Madaxweyne Siilaanyo oo Tacsi u diray Itoobiya, sheegayna qaabka Somaliland uga qaybgalayso Aaska Meles Zenawi

Custom Search

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa geerida ku timi Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Itoobiya Meles Zenawi oo xalay ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla dalka Belgium ku tilmaamay mid naxdin ku leh shacabka, dawladda Itoobiya iyo guud ahaanba mandaqadda geeska Afrika.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu tacsi u diray shacabka iyo dawladda Itoobiya ee uu ka baxay Meles, isaga oo beddel khayr qaba Illaahay uga beryey. Waxaanu sheegay Md. Siilaanyo inay Somaliland si heer qaran ah uga qaybgeli doonto aaska iyo tacsida Itoobiya loogu samayn doono Ra’iisal wasaarihii hore ee waddankaas oo uu sheegay inuu ahaa nin siyaasad ahaan geeska Afrika iyo caalamka-ba saamayn weyn ku lahaa.

Waxa uu socod ku tagay Madaxweynaha Somaliland Safaaradda ay Itoobiya ku leedahay magaalada Hargeysa oo aan qasriga Madaxtooyada wax badan ka fogeyn isaga oo ay weheliyeen Marwadiisa iyo Masuuliyiin Xukuumaddiisa ka tirsan, halkaas oo uu tacsi tiiraanyo leh ugu gudbiyey Wakiilka Xafiiskaa u fadhiya dawladda Itoobiya.

Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed uu galabta soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdillaahi-Cukuse, waxaanu qoraalka warkaasi u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu Dhambaal Tacsi ah oo tiiraanyo leh u dirayaa dawlada iyo shacbiga Ethiopia ee aynu walaalaha iyo Saaxiibka dhaw nahay

Geerida ku timid Hogaamiyihii Saciibka ahaa ee Ra’iisal wasaare Melez Zinawi oo ku geeriyooday  Dalka Belgium oo uu maalmihii u danbeeyey u jiifay xanuunkan sababay dhimashadiisa.

Madaxweynuhu waxa uu Ra’iisal wasaraha geeridiisa ku tilmaamay inay tahay mid ku timid guud ahaan mandaqada geeska Afrika oo dhan. Waxaanu Madaxweynuhu sheegay inuu ahaa ra’iisal wasaare Zinawi ahaa nin Xil iska saara  Nabad-gelyada geeska.

Madaxweynaha oo ay damaqday geerida Kediska ah ee ku timid Dalka Ehiopia waxa uu u lugeeyey oo uu tacsi u tegay Safaarada dalkaasi ku leeyahay Hargeysa isaga oo ay ku wehelinayaan, Marwadiisa koowaad, Xubno ka mida golihiisa wasiirada iyo xubno uu hogaaminaayey Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye.

Waxaanu sheegay madaxweynuhu in ay Somaliland miisaan Culus kaga qayb-gelayso tacsida Ra’iisal wasaaraha. Madaxweynuhu waxa uu shacbiga Ethiopia illaahay uga beryey in uu bedelkiisa siiyo Ra’iisal wasaarahaasi ka baxay. ALLAA MAHAD LEH.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

 

 

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=19797

Posted by on Aug 21 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta