Madaxweyne Silaanyo oo booqday Xaaji-Cabdikariin Xuseen oo xanuunsanaya

Hargeysa(Berberanews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Maanta Gurigiisa magaalada Hargeysa ku booqday Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (X. Cabdi-Waraabe) oo dhawaanahanba Xanuun u jiifay, waxaanu Madaxweynuhu ugu duceeyey Xaajiga inuu Caafimaad Siiyo.

Xaaji Cabdikariim, ayaa Madaxweynaha iyo Shacbiga Somaliland uga mahadnaqay ka warhaynta xaaladdiisa, sidoo kalena waxa uu Xaajigu u duceeyey Qaranka iyo Shacbigiisa-ba. Waxa uu Xaaji Cabdi tilmaamay in Madaxwyne Siilaanyo yahay Qof Shaqsi ahaan wanaagsan, waxaanu Illaahay ka beryey in Madaxweynaha beddeli doonaana uu Illaahay Qof fiican ka dhigo.

Dhinaca kale, Marwada Xaaji CabdiKariin, ayaa uga mahadnaqday Madaxweynaha Bookhashada uu ugu yimid Xaajiga. Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Cabdillaahi-Cukuse iyo Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

Waxaannu Warbixin uu Weriye Cali Axmed Cawaale (Caano-dhame) ka diyaariyey Booqashada Madaxweynuhu ugu tegay Xaaji Cabdikariin, kagana warbixiyey Taariikhda ballaadhan ee Xaajigu ku leeyahay Dalkan Somaliland, idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Share Button
Please follow and like us:
0