Madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax oo la dilay

Yemen(Berberanews):- Madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax, ayaa la sheegay in lagu dilay dalkaas, ka dib markii dagaal kuli dhex-maray Xuutiyiinta ka dagaallanta waddanka Yemen ay ku dileen dagaal ka dhacay magaalada Sanca, sida ay sheegayaan Wararka ka imanaya Yemen.

Telefishin ay Xuutiyiinta maamulaan oo lagu magacaabo al-Masirah ayaa baahiyay muuqaalka nin wasiirka arrimaha gudaha lagu sheegay oo shaacinaya in “la afjaray dhibaatada maliishiyada khiyaanada qaran sameysay, lana dilay hoggaamiyahooda”, sida ay baahisay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo aannu Warkan Qoraalka ah ka soo xigannay.

Ma jiro war madaxbannaan ee arrinta xaqiijinaya, balse sawirro lagu baahiyay baraha bulshada waxay muujinayaan maydka Saalax. Xisbiga siyaasadeed ee uu ka tirsan yahay ayaa beeniyay in la dillay xilli hore, ka dib markii kooxda Xuutiyiinta ay qarxiyeen gurigiisa ku yaalla caasimadda Yaman ee Sanca.

Wixii ka horeeyay isbuucii tagay, taageerayaasha Cali Cabdalla Saalax waxay la safnaayeen ururka shiicada ah ee Xuutiyiinta, waxayna dagaal kula jireen dowladda Yaman ee Sucuudiga uu taageero.

Madaxweyne Cabdrabbuh Mansuur Haadi oo la doortay ka dib markii Saalax xilka looga tuuray kacdoon ayaa xarun ka dhigtay Sacuudiga. Wixii warar dheeraad ah ee ka soo kordha dib ayaan idiinkala soo socodsiineynaa.

Daawo Qaabka loo Dilay Cali Cabdalla Saax oo Muuqaal ah, halkan hoose kaga bogo.

Share Button
Please follow and like us:
0