Magaalada Gaza oo la duqeeyay

Gaza(berberanews) Ciidamada Yahuuda ayaa xalay saq dhexe madaafiic ku gaaracay degaano ku yaala waqooyiga marinka Gaza ee dhulka Falastiiniyiinta.

israel-air-strik-in-gaza-500x276

Wararku waxay sheegayaan in illaa 5 madfac ay ku dhaceen degaan ku yaala waqooyiga Gaza inkastoo aan willi khasaaraha ka dhashay aan lasoo warin.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa soo warisay in duqeynta Yahuuda ay timid kadib markii ay gantaalo ku dhaceen magaalo ku taala koofurta dhulka Yahuudu xooga ku haysato.

Gantaaladaas willi cidi ma sheegan hase ahaatee Yahuudu waxay ku eedeysay garabka hubeysan ee Al-Qasaam la yiraahdo.




%d bloggers like this: