Manchester City oo Markii Afraad ku Guulaysatay Koobka Community Shield-Cup-ka

Custom Search

13-Aug-2012-(Ciyaaraha/berberanews)-Kooxda Man City ayaa markii afraad ku guulaysatay koobka Community Shield Cup-ka, kadib markii ay 3-2 kaga adkaatay Chelsea oo ay ciyaar aad u xiise badan ku dhex martay garoonka Villa Park.  

Torres ayaa Chelsea u dhaliyey goolka furitaanka qaytii hore ee ciyaartana waxa lagu kalanastay 1-0 Blues-ku ku hoggaaminayaan, balse waxa daqiiqadii 42-aad ciyaarta laga saaray Ivanovic oo si xun ugu xanaaqay Kolarov.  

Qaybtii labaad ee ciyaarta markii lagu laabtay ayay Man City qaaday weeraro halis ah, waxaana u suurto gashay inay saddex gool oo daran doori ah u kala dhaliyaan Yaya Toure, Carlos Tevez iyo Samir Nasri.

Chelsea oo xaalku qirin-qiir ku yahay ayaa waxa goolka labaad daqiiqadii 80-aad u saxeexay ciyaaryahanka Bertrand, waxaanay ciyaartii ku idlaatay 3-2 guushu ku raacday Man city oo sannadkan koobkii hantiday.

Mudadii ciyaartu socotay waxa kaadhka digniinta ee Huruuda la siiyey Savic, Ramires, Mikel,  Lampard, Kompany, Ashley Cole, Bertrand iyo Pantilimon, halka Ivanovic kaadhka cas looga taagay.

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=19569

Posted by on Aug 13 2012. Filed under CAYAARAHA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta