Mario Bolatelli Oo Goolashiisii Xalay U Hadyadeeyey Hooyadii Soo Korsatay Silvia.
Italy (Berberanews Sports):- Mario Balotelli ayaa Italy ku hogaamiyay finalka Euro 2012, isagoo u hadiyeeyay labada gool ee uu dhaliyay hooyadii soo korsatay.
Weeraryahanka Manchester City ayaa tagay tarabuunka isagoo xabadka galiyay hooyada soo korsatay Silvia ka dib markii Italy ay ka talaabsatay Jarmalka, waxaana uu balanqaaday inuu axada garaaci doono Spain.
Balotelli ayaa ciyaarta ka dib yidhi: “Maxaan xusuus ah oo aan ka qaadan doonaa ciyaartan? Hubaashii ka dib ciyaarta markii aan u tagay hooyaday oo aan ku idhi ‘goolashaan adigaan ku dhaliyay’.
“Waan sugayay sidan oo kale muddo dheer, gaar ahaan markii ay hooyaday halkaan timid, waxaana doonayay inaan ka farxiyo”.
“Caawa [xalay] waa habeenkii iigu quruxda badnaa nolosheyda, lakiin waxaan rajaynayaa in axadana ay ka sii fiicnaan doonto. Haatan waxaan u baahanahay inaan nasano oo aan garaacno Spain”
“Anaga iyo Spain ayaa ah labada kooxood ee ugu fiican tartankaan. Ma ku guuleysan karnaa? Su’aashaas waxaan ka jawaabi doonaa axada”.
Mustafe Maxamud ‘Kastam’
kastam@berberanews.com
Berberanews Sports
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17964




-
Designed by