Masar: Dhakhaatiirtii Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak oo si rasmiha u shaaciyey geeridiisa

Custom Search


Masar (Berberanews)-Wakaaladaha wararka caalamiga ah ayaa xaqiijiyay inuu geeriyooday Madaxweynihii hore ee Xusni Mubaarak, kaddib markii uu ku geeriyooday isbitaal ciidamada Milateriga Masar ay leeyihiin.

 

Wararku waxay intaasi raacinayaan in Masu’uuliyiinta Caafimaadka ay sheegeen inuu istaagay dhaq dhaqaaqa wadnaha Xusni Mubaarak, taasi oo ay xaqiijiyeen inuu geeriyooday. Wakaalada wararka Bariga dhexe ee loo yaqaano Sharaqal Owsat ayaa sheegtay inay ku ogaatay ilo lagu kalsoonan karo oo mas’uuliyiinta Caafimaadka ah in waqti hore uu galay Xusni Mubaarak xaalad Koomo ah isaga oo ku jiro Xabsiga loo yaqaan Dura ka hor inta aan loola cararin galabnimadii maanta Isbitaalka. Sidoo kale wakaaladaha wararka ayaa isla dhax marayo inuu Madaxweeynahii hore ee Masar oo u geeriyooday isagoo sariirtiisa jiifo halka kuwa kalena leeyihiin waxa uu galay Koomo, kadibna uu geeriyooday. Wararka ugu badan ee dhamaan Telefishinada Masar ayaa aad uga hadlayo geerida Xusni Mubarak, basle Dowlada Masar ilaa hada wax war kama soo bixin oo ku saabsan geerida Madaxweynihii hore. Wixii warar ah ee ku soo kordha waxaan idin kugu soo gudbin doonaa wararkeena danbe Insha Allah.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17484

Posted by on Jun 20 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta