Maxaa Sabab u ah in Masuul kasta oo Xilka laga qaado ama ka tagaa eedaymo u sii jeediyo Wasiir Xirsi?
Waxa jirta ama dhacda oo marar badan oo kala duwan aynu aragnay, maqalnay amaba aynu bogogga hore ee warbaahinta Joornaallada u badan ka akhrinay masuul Xukuumadda Somaliland xil ka haysay oo uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo xilka ka qaaday amaba si iskooda shaqada uga tagay oo eedo kala duwan u jeedinaya Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ay ku tilmaamayaan amaba isaga dusha u saarayaan sababta xilka laga qaaday ama-ba ay iska casileen.
Inta badan bulshada reer Somaliland dibed iyo gudo meelka oo ay joogaan-ba waa arrin aan ka qarsoonayn in xubno badan oo kala duwanaa derejo ahaan oo Xukuumadda xilal ka qabtay markay xafiiska banneeyeen ee xilka laga xayuubiyey ama ay si shaqsiyaba uga tagayeen eedo aan qaarkood loom eel-deyin ay kula dul-kufaan Wasiirka Madaxtooyada oo muddo xileedkii hore ee Xukuumaddan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) 28-kii Bishii Julay sannadkii 2010-ka markii uu xilka la wareegay maalin ka dib u magacaabay Xirsi Chief Of Cabinet-ka Madaxtooyada, xilkaas oo ahaa mid Somaliland ku cusub ayaa macno ahaan loo qaadan karaa (Agaasimaha guud ee Madaxtooyada iyo Golaha Wasiirrada), jagadaas oo uu Mr. Xirsi hayey illaa 11-kii Bishii June 2011-ka oo haddana xilkaa masaxay, una magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, xilkaas oo uu illaa hadda hayo Wasiir Xirsi.
Inkasta oo aanu Madaxweynuhu u magacaabin Xirsi xil xayndaabka Madaxtooyada ka baxsan, haddana muddada intaa le’eg ee uu labada xil ka kala qabtay qasriga Madaxtooyada waxa uu ahaa mid la deris ah eedo aad u badan oo kala geddisan oo kaga imanayey qaybaha bulshada iyo masuuliyiinta dawladda ay ku wada jiraan laftooda, ha u badnaadaan kuwo la eryey iyo kuwo shaqada ka tagay iyo weliba xattaa shaqaala hoosaadka shaqada dawladda laga eryo qaarkood, ayaa ku dooda in ujeeddo Xirsiyeysan lagu eryey. Waxa la yidhi Meyd maxaa u dambeeyey iyo kaa la sii-sido. Waxa ka mid ah xubnaha xilalka ka tagay ee eedaymaha kala duwan u soo jeediyey Xirsi Agaasimihii hore ee Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland Maxamuud Raage Ibraahin oo Isniintii toddobaadkan shaaciyey inuu xilka iska casilay, Madaxweynuhuna Salaasadii digreeto ku soo saaray is-casilaadda ka dib inuu xilka ka qaaday. Kaasoo Xirsi ku tilmaamay masuul caqabad ku ah Madaxweynaha, Bulshada iyo guud ahaanba habsami u socodka Hawlaha Qaranka ee u baahan in Madaxweynaha warkooda la gaadhsiiyo.
Sidaa daraaddeed, ayaa in badan oo bulshada ama dadweynaha ka tirsani Xirsi loogu fahamsiiyey in uu yahay nin sida loo fahmaa adag tagahay, gardarroole ah, qafal-xun oo guud ahaanba caqabad ku ah maamulka dawladda. Waayo, marka dhegaha dadka maalin walba hadallo eedo iyo dhalliilo u badan oo masuulkaa laga sheegayaa dhegohooda ku soo noqnoqdaan in badan oo ka mid ah oo aan iyagu awood u lahayn ama caqligu-ba siin karin inay dersi karaan dhibaatada laga sheeganayo iyo jiritaanka eedaha loo jeediyo Md. Xirsi, way aqbali karaan ama rumaysan karaan weedhaha lagu celceliyo.
Hase-yeeshee, dadka qaarkii waxay u arkaan in arrimuhu aanay sidaa wada ahayn, isla markaana waxyaabaha in badan Xirsi lagu eedeeyo in kooban ama yari run ka tahay, balse inta badan eedaha loo jeediyaa ku arooraan kuwo aan sii fogayn amaba aan xaqiiqada ku fadhiyin. Waayo, Soomaalidu inta badan haddaabad qof is-qabataan ama isa-seegtaan oo wax iskaga hortimaaddaan oo is-af-dhaaftaan waxa laga yaabaa kalmad aad qofka ku tidhi, tusaale ahaan waxaad ku tidhi; ‘waar naga-tag waxyoow xumi’ waxa laga yaabaa inaan idhaahdo wuxu hebel igu yidhi; ‘adiga iyo asalkaaga ama adiga iyo Aabbahaa ayaa xun’. Taasi waxay innoo caddayn kartaa sida ay inta badan Bulshooyinka Soomaalidu hadalka u tarmiyaan, u siyaadiyaan ama wax ugu sii daraan markaad tidhaahdo ka dib.
In badan oo ka mid ah bulshada waxay badi eedaha loo jeediyo Wasiir Xirsi u qaataan kuwo waxba kama jiraan ah iyaga oo ka duulaya qodobka hadal-kordhinta ee aynu kor ku xusnay. Hase ahaatee, waxa jira qaar kale oo iyagu xaqiiqsada jiritaanka eedahaas markay wax jawaab ah ka waayeen Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ku saabsan, beeninaya ama jawaab u ah eedaha had iyo jeer loo jeediyo.
Haddaba, haddii aynu aragtiyaha jiritaanka eedaha Xirsi lagu sheego ay dadku ka qabaan ama kala aammisan yihiin ee kala duwan sidaynu soo sheegnay ka nimaadno, aynu u daaddegna ama u dhaadhacno Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo wax laga weydiiyey qaar ka mid ah ama inta badan xaqiiqooyinka eedaha kala duwan ee loo jeediyo si toosa uga jawaabaya iyo waxa uu ka yidhi ama ku dooday.
“Waxaa jirta oo ah biyo-kama-dhibcaan inkasta oo bina-aadamku u badan yahay, gaar ahaan Soomaalidu guul-darrada ma aqbalaan, marku qofku guul-darraysto ma aqbalo ee sabab buu u doonaa. Qof kasta oo shaqadiisii ku guul-daraystay oo Madaxweynuhu xilka ka qaaday ma aqbalayo ee wuxu baadi doonayaa sabab, markaa mid yar oo ka sokeeya Madaxweynaha oo Xirsi la yidhaa-baa jooga oo kaasuun baa iga qaaday weeye xilka.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Xirsi oo bishii hore si toosa uga jawaabayey su’aalo ay qaybaha bulshada qaarkood ku weydiiyeen barnaamij la yidhaahdo maqal dadkaaga oo ka baxa TV-ga Qaranka, isla markaana lagu qabto xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee magaalada Hargeysa oo toddobaad-ba masuul dawladda ka tirsan lagu soo casuumo.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X. Xasan oo arrintaa ka sii hadlayaa waxa uu yidhi; “Laakiin, ma jiro qof aan anigu xilka ka qaado ee Qaranka Madaxweynaha ayaa hoggaamiya, hoggaamintiisana la baran maayo oo dadka kuma cusba, waa laga yaabaa in anigu aan ku cusbaa, laakiin Madaxweynaha ayaa waxna magacaaba waxna xilka ka qaada. Laakiin canaanta, maagga iyo qardoofada goobtaan joogo ayaa leh oo irriddii la sii marayey baan joogaayoo ka sii galayaana wuu isii dhaafaa ka soo baxayaana wuu isoo maraa.”
Si kastaba ha ahaatee, faaqidaadda qalinka waxaynu ku soo koobaynaa ama afjaraynaa weedhaha jawaabta ah oo noqonaya kuwii ugu horreeyey ee uu Wasiir Xirsi si rasmiya ugu iftiimiyo jiritaanka eedaha loo jeediyo iyo aragti ahaan halka uu shaqsi ahaan isagu ka taagan yahay.
Qalinka Weriye Cabdifataax Ismaaciil Mursal
Hargeysa/Somaliland
E-mail. mrmursal@gmail.com
.
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=11740






Xersi Toorileh taariikhdiisa waxaynu ka ognahay markii laga eryey gudidii qabqaabada doorashooyinkii xiligii madexeyne Riyaale taas oo la yidhi wuxuu gacmo saar la leeyahay Al Shabab-Shaydan markii dambena uu Burco u wareegay oo uu halkaa ka hirgelieyey urur sir ah oo damacsanaa in ay jabhad ka soo horjeeda Somaliland sameeyaan arintana waxa cadaynaya baabuurkii lagu qabtay ee ay qoorta ka jareen oo ay doonayeen in ay qori saaraan hadaba Xersi Toorileh hortii jagadan cidbaa ka shaqayn jirtay dawladii M.Riyale maxaa aynu maalin keliya u arki weynay cid wax ka sheegaysa ta kale wuxuu ka faaiidaystay jilayca madexweynaha maanta jooga oo aad moodo in aanu meeshaba joogin tana waxa u markhaati shalay xogwarankii uu soo bandhigay ina Cabdiqadir oo ah ku xigeenka Kulmiye wuxuu yidhi hadii maanta Siilaanyo cod loo qaado helimaayo 20% arintani miyaanay ahayn qalbi jab.