Berbera News | Daily News Update

Maxamad Mursi oo ku guulaystay Doorashadii Madaxwayne ee Masar.

Masar (Berberanews):- Gudiga Doorashada Dalka Masar ayaa ku dhawaaqay maanta Musharaxa kuguulaystay doorashadii dalka Masar ee Murunka dhalisay.

Gudiga ayaa ku dhawaaqay in Codadka Doorashada ugu badan uu kuguulaystay Maxamad Mursi oo ah Gudoomiyaha Ururka Ikhwaanul Muslimiin ee Dalka Masar.


waxaa la sheegay in Si cidhiidhi ah uu ugu guulastay doorashada Ninkii kuxigay ee Axmad Shafiiq.

Gudiga Doorshada ayaa sheegay in Maxamad Mursi uu helay 51.7% Codadkii latiriyay inuu isagu uu helay.
Musharaxii lagaga guulaystay Doorashada ee Axmad Shafiiq oo ahaa Ra’iisul wasaarihii hore ee Masar xiligii Xukunkii Mubaarak ayaa isagana kahalay doorashada Codad gaadhaya 48.3%.
Tageerayaal Badan oo kufaraxsan Guusha Maxamad Mursi ayaa isu sooo baxay Fagaaraha Tahriir kuwaas oo dabaaldeg ku muujinaya Taxriir, waxaa kale ay qaadayaan heeso lagu taageerayo Madaxwaynaha Cusub ee Dalka.
Ururka Ikhwaanul Muslimiin ayaa dhibaato kala kulmi jiry Dowladihii soomaray Masar,Caawana iyaga aya kuguulaystay Doorashada Dalkaas.

Berberanews.com

Hargaysa/Somaliland