Berbera News | Daily News Update

Maxay ka wada hadleen madaxweynaha Somaliland iyo Guddida caalamiga ah ee ICRC ?

Hargeysa–(Berberanews)-Guddida caalamiga ah ee ICRC ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Somaliland,waxaanay ka wada hadleen maxaabiistii Somaliland ku qabatay dagaalkii Tuko-raq, in xabad joojin la sameeyo iyo sidii ay xafiis uga furan lahayd Somaliland.

Kulankani waxaa uu ka dhacay xafiiska madaxweynaha, waxaana weftigan ICRC ee laanqeyrta cas hogaaminayey Madaxa Guddida Caalamiga ee Laanqeyrta Cas, Mr. Simon Brooks.

Sida uu afhayeenka madaxweynuhu warbaahinta u sheegay waxa uu madaxweynuhu warbixin ka siiyey xaaladda guud ee dalka, waxaana laga wada hadlay qodobbo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo ICRC, isla markaana ay xafiis uga furan lahayd Somaliland, waxa kale oo laga wada hadlay arrinta maxaabiistii Soomaaliya ee dagaalka Tuka- raq ay Somaliland ku qab-qabatay, oo ay Somaliland ku ammaaneen siday ula dhaqantay maxaabiistaasi dagaalka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa xabbad joojinta dagaalka Somaliland iyo Soomaaliya ku dhexmaray deegaanka Tuka-raq ee gudaha Somaliland.

“Madaxweynuhu wuxu u sheegay weftiga in marwalba maxaabiista si wacan ula dhaqmaan oo ay ku tahay mid waajib islaamiya iyo mid dhaqanka Somaliland ah, marnabana aanay suurto gelayn in si xun loola dhaqmo maxaabiista dagaalka, iyadoo taa ka duulaysana Somaliland ay u ogolaatay ehellada maxaabiistaasi inay booqan karaan una yimaadaan.”ayuu yidhi afhayeenka madaxweynuhu Maxamuud Warsame Jaamac.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu ka hadlay qodob ay ka hadleen weftigu oo ahaa in xabad joojin laga sameeyo Tuka-raq, waxa uu u sheegay in Hadalka ka soo yeedhay Farmaajo ee xabbad joojintu uu yahay tallaabo hore loo qaaday, kana mid ahaa qodobadii Qaramada Midoobay iyo beesha Caalamkuba ay soo jeediyeen in la fuliyo, Somaliland-na dhinaceeda beesha caalamka ay hore uga aqbashay.