BREAKING NEWS
Hargeysa (Aftahannews)- Isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo ee ka dagaallama dalka Yemen ayaa qirtay in ay duqayn dhanka cirka ah ku laayeen tobonaan qof oo rayid ah oo saarnaa gaadhi bas ah bishii lasoo dhaafay uuna ahaa khalad militari oo aan bareer ahayn. Baadhitaan uu sameeyey isbahaysigu ayaa lagu ogaaday in khalad uu dhacay – wuxuuna sheegay in dadkii masuulka ka ahaa weerarka lala xisaabtamo. Dalka Yeman oo dhibaato ay ka taagan tahay Dadka dhintay ayaa caruur u badnaa, weerarka ayaa waxaa ka dhashay dhaliilo caalami ah oo kadhan ah duqaymaha uu Sucuudigu hormudka ka yahay ee kadhanka ah fallaagada Xuutiyiinta ee dalka Yemen. Guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay xulafada uu horkacayo Sacuudiga ee weerarada cirka ka geysanaya Yemen. Warbixin uu soo saaray guddiga xuquuqda carruurta ayaa sheegay in weerarrada aan kala sooc laheyn ee ay xulafadu ku hayso goobaha dadka rayidka ah, ay ku dhinteen boqolaal carruur ah Waxa ay sidoo kale dhaleeceysay waxa ay ugu yeedhay tallaabooyin gaajo loogu dilayo shacabka. Warbixinta ayaa sheegaysa in ka badan saddex milyan oo carruur ah in ay wajahayaan nafaqa darro, iyadoo ay xaalad bani’aadanimo oo xun ay halkaa ka taagan tahay. Xulafada uu horkacayo Sacuudiga ayaa ku adkeysanaysa in duqeymaha cirka ay qaadayso aanay badhtilmaameedsaneyn dadka rayidka ah.
Search

Maxkamad ku taalla magaalada Ottowa oo 15 sano ku xukuntay Somali

Ottawa-(Berberanews)-Maxkamad ku taalla magaalada Ottowa ee dalka Canada waxa ay ku xukuntay 15 sano oo xabsi ah ku xukuntay Cali Cumar Adeer oo ah muwaadin Soomaaliyeed kadib markii lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa afduub 2008-dii meel u dhaw Muqdisho loogu geystay gabar Wariye aheyd.

Dacwadda Cali Cumar Adeer ayaa soo soctay in mudo ah marar badan, waxaana xusid mudan in marar badan oo maxkamada la horkeenay uu diiday eedeymaha loo soo jeediyay, isaga oo ku adkeystay in uu ahaa turjumaan oo kaliya.

Cadeymo la horgeeyay Maxkamadda oo isugu jiray codad laga duubay xilligii uu wada hadal kula jira hooyada dhashay gabadha wariyaha ah ee Amanda Lindhout iyo kuw kale oo ay keeneen ciidamada aan is muujin ayaa sababtay in lagu xukumo 15 sano oo xabsi ah.

Qaadiga Maxkamadda Sare ee gobolkaasi oo dacwadda qaadayay ayaa sheegay in Cali Cumar Adeer uu u qalmo xukunka ku dhacay ee 15 sano ah.

Ninkan ayaa waxaa la xiray 2015-kii kadib markii dalka Canada lagu geeyay heshiis been ah oo ku saabsanaa daabacaada buug uu qorsheynayay qoridiisa, balse dadka kala shaqeynayay arrintaasi ay ahaayeen ciidamo qarsoon oo heer federaal ah.

Mudadii uu xirnaa Cali Cumar Adeer ayay Maxkamadu sheegtay in laga jarayo sanadihii lagu xukumay marka uu dhameystana loo soo musaafurin doono Soomaaliya.

Amanda Lindhout oo ah wariye u dhalatay dalka Canada iyo sawir qaade u dhashay wadanka Australia ayaa afduubnaa 460 maalmood 2008-dii, waxaana Linda markii dambe lagu sii daayay 600,000$ oo ay dhiibeen qoyskeeda.

Share Button
Please follow and like us:
0