Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex oo ganaax iyo xayiraad ku riday Wargeyska Foore

Hargeysa (Berberanews)- Guddoomiyaha maxkamada gobolka Maroodi Jeex ayaa xukun iskugu jira ganaax lacageed iyo xadhig ku riday wargeyka Foore.

Gudoomiyaha maxkamada oo ku dhawaaqay go’aanka dacwad ka dhan ah wargeyskaas oo ka socotay maxkamada gobolka Maroodi Jeex ayaa sheegay in wargeyska lagu xukumay ganaax lacageed oo dhan sadex milyan iyo halsano oo aanu wargeyskaasi soo bixin.

Sidoo kale Gudoomiyaha wargeyska Foore Cabdirashiid Cabdiwahaab Sheekh Ibraahin uu xaqiijiyey in maxkamada gobolku ku riday xukunkan.

Waxa kale oo uu sheegay in lacagta ganaaxa ah ee lagu riday loo xidhay tifaftiraha wargeyska Foore Ilkacase, kaas oo xidhnan doona inta lacagta laga bixinayo, waxaanu xusay inay dhawaan faah faahin ka bixin doonaan xukunka ku dhacay.




%d bloggers like this: