Maxkamadda Demiyadda Dagaalka oo 50 sano ku xukuntay Madaxweynihii hore ee Liberia
Custom Search
30-May-2012-(Berberanews)-M Maxkamad da khaaska dembiyadda dagaal ee Sierra Leone oo ku taala magaalada Hugue, ayaa maanta 50 sano oo xadhig ah ku xukuntay Madaxweynihii hore ee Dalka Leberia Mr. Charles Taylor, oo lagu helay inuu galay dembiyo dagaal iyo kuwo ka dhan ah xuquuqda aadamaha.
Mr. Taylor waxay garsoorayaashu ku oogeen dembiyo isugu jira dil, kufsi iyo jidh-dil, iyo taageero hub oo uu siiyayay kooxaha uu taageeri jiray ee mucaaridka Dhaqdhaqaaqa Midowga Kacdoonka xliiyadii ay socdeen dagaalladii sokeeye ee naafeeyay Liberia sanadihii 1991-2001.

Dawladda Liberia ayaa soo dhawaysay go’aanka maxkamaddu ku xukuntay Madaxweynihii hore oo ay ku tilmaantay tallaado horumara oo dhinaca cadaalladu qaaday, “Waa war ay ku farxeen dawladda iyo Qaranka. Waa tallaado horumar leh oo cadaalladu sammaysay.”sidaa waxa yidhi Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta Liberia Sheku Tarawali.
Madaxweynihii hore ee Liberia Charles Taylor oo da’diisu tahay 64 jir xukunka ka cararay sanadkii 2003 markii dagaallo culus oo dhiig badan ku daatay, ayuu Madaxweynihii hore ee Maraykanka George W Bush iyo bulshada caalamku cadaadis ku saartay inuu iscasilo , waxaannu Taylor mastaafur ku tegay dalka Nigeria.
Berberanews.com
info@berberanews.com
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=16481



-
Designed by