Midowga Yurub oo Dersaya Sidii Dekadda Berbera u Noqon Lahayd Marinka Ganacsi ee ugu Muhiimsan Geeska Afrika

Hargeysa (Jam/Berberanews)- Ururka Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay bilowga wejiga kowaad ee mashruuc la doonayo in dekadda Berbera lagaga dhigo marin-ganacsiyeedka ugu muhiimsan mandaqada Geeska Afrika.

Mashruuca Midowga Yurub ku horumarinayo dekedda Berbera oo ka kooban dhawr qaybood oo wejigiisa kowaad ay ku baxayso 3.8 milyan oo lacagta Yurub ah, una dhiganta ku dhawaad 5 milyan oo doollarka Maraykanka ah, waxa uu isugu jiraa daraasad lagu qiimaynayo awoodda iyo tayada dekeddu u yeelan karto in ay xuddun u noqoto ganacsi heer caalami ah, dhismaha jid caalami ah oo Berbera toos ugu xidhi doona dalka Itoobiya, kor-u-qaadida awoodda hay’adaha dawladda Somaliland u qaabilsan dhinaca waddooyinka iyo weliba helida masuuliyad dhab ah oo lagu aamino ilaalinta iyo ka war-haynta ama sugidda sii jiritaanka jidka cusub kadib marka la dhammaystiro.

“Dekadda Berbera waxay fursad weyn u haysataa in ay noqoto dekedda ugu weyn ee ay wax-kala soo degi karto Itoobiya, jidka Midowga Yurub maalgelinaya oo ka soo bilaabmaya magaalada Berbera, siina maraya caasimadda Hargeysa waxa uu toos ugu xidhmayaa xuduudka Itoobiya, kaas oo Itoobiya u suurtogelinaya inay kaga maaranto ku tiirsanaanta isticmaalka dekedda Jabooti oo ay wax kala soo degto, kana dhoofiso. Waxaannu jidka cusub kor-u-qaadi doonaa ganacsiga dekedda Berbera iyo dhammaanba ka gobolka Geeska Afrika.” Sidaa waxa yidhi wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Georges – Marc Andre oo hadalkiisu qayb ka yahay war-murtiyeed Midowga Yurub ku shaaciyey bilowga mashruuc lagu caalamiyeynayo dekedda Berbera.

Nuqul ka mid ah war-murtiyeedka Ururka Midowga Yurub ku soo bandhigay bilowga mashruuca uu ku horumarinyo dekedda Berbera oo Jamhuuriya helay oo ku qornaa luuqadda Ingiriisiga oo aannu idiin soo turjunay, waxa uu intaa ku daray, “Si loo kobciyo horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha mandaqada Geeska Afrika, waxa uu Midowga Yurub maalgelinayaa dhismaha jid isku xidha dekedda Berbera iyo Itoobiya, kaas oo noqon doona mid ka mid ah dariiqyada ganacsi ee ugu muhiimsan ee gobolka.

Midowga Yurub oo kaashanaya urur-goboleedka IGAD wuxuu diyaar u yahay inuu maalgeliyo mashruuca la xidhiidha horumarinta dekedda Berbera oo ka dhigaya mid u furan, isla markaana kor u qaadaya kor-u-qaadaya ganacsiga mandaqada.”

“Suurtogalnimada mashruucan waxa kale oo qayb ka ah daraasad lagu samaynayo saamaynta hirgelinta mashruucani ku yeelano degaanka iyo bulshada iyo weliba horumarinta qorshe lagu maaraynayo arrimaha degaanka, daraasadani waxay diirada saaraysaa mowduucyada arrimaha bulshada ugu muhiimsan sida; doorka dumarka ee horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, qaabka looga fikiro dadka naafada ah, wax-ka-qabashada miinada dhulka hoostiisa ku jirta degaannada jidka cusubi marayo, in looga faa’iidaysto shaqo la’aanta dhallinyarada iyo horumarinta xirfadahooda,” ayuu yidhi war-murtiyeedka Midowga Yurub oo lagu iftiimiyey arrimo dhinacyo kala duwan leh oo ku lammaan hirgelinta mashruuca lagu caalamiyeynayo dekedda Berbera.

Sources, Jamhuuriya




%d bloggers like this: