Mo Faarax oo Markale ku Guulaystay Billadda Dahabka ee Orodka 5,000 Mitir
Ciyaaraha-(Berberanews)-Orodyahanka asal ahaan ka soo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland, una orda waddanka Great Britain Mr. Maxamed Faarax (Mo Farah), ayaa billaddii labaad oo dahabka gacanta ka geliyey England, kadib markii uu xalay ku guulaystay orodka 5,000 mitir.
Mo Farax waxa uu orodka ku bilaabay si deggan, isagoo wareegyadii hore ku jiray dhinaca dambe, balse wuxuu galka seefta kala baxay labadii wareeg ee u dambeeyey, markaasoo uu hoggaanka u qabtay deedna ku guulaystay.
Sidoo kale, Mo Faarax oo hore u noqday ciyaartoygii u horreeyey ee Ingiriiska u orda, kuna guulaysta orodka 10,000 mitir, waxa uu ku orday 13 daqiiqo iyo 41 ilbidhiqsi, waxaannu wareeggii u dambeeyey ku dhammaystiray 53 ilbidhiqsi.
Kaalinta labaad waxa galay orodyahanka reer Ethiopia ee Dejen Gebremeskel oo billadda qallinka ah ku guulaystay, halka dhiggiisa reer Kenya ee Thomas Longosiwa oo kaalinta saddexad galayna la siiyey billadda maarta.
Berberanews.com
info@berberanews.com
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=19523



-
Designed by