Mucjisada Ciyaar yahanka Messi Iyo Cabsida Haysata Manchester United.!

Shakina kuma jiro in Messi uu yahay kan ugu mucjisaysan caalamka kubadda cagta,waxaana howl adag oo ay adag tahay sidii loo gudan lahaa ay hor taalaa daafacyada kooxda Man utd kuwaas oo xilligaan ciyaar wanaagsan kaso bandhigay kulamada horyaalka Ingiriiska isla markaana loo caleemo saaray inay noqdaan horyaalka Ingiriiska ee xilligaan. Laacibka ugu wanaagsan caalamka kubada cagta waa Messi oo 23 jir ah waa mid xariif ku ah dhalinta kubadaha,farsamada,isagoo ay adag tahay in laga dhigo kubad uu wato. Laf dhabarka daafaca kooxda man utd waa Vidig iyo Ferdinand waxayna la kulmi doonaan habeen adag oo aysan nasiino heli doonin waxaana looga fadhiyaa in ay ka celiyaan shabaqooda in uu Kubad dhex dhigo wiilka xariiftanka ku dheereeye ee Messi kaasi oo kaliya 2 sanno ka hor ka dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaartii 2-0 ay kaga badiyeen kooxda Man utd. Aan Dib u xasuusanno Maradona oo 1986 koobkii adduunka ee Mexico dhigay Mucjiso markaas Maradona wuxuu ahaa 25 jir halka haatan Messi uu yahay 23 jir ah Su’aashana waxay tahay Yaa celin kara Messi. Ma jiro qof si dhab ah saadaal ugu bixin kara cida celin karta Messi oo soo bandhigi doonno awoodiisa finalka koobka horyalada Yurub oo lagu balan san yahay habeenka Sabtida 28 May ciyaar aad u xiiso badan oo ka dhici doonto gudaha dalka Ingiriiska gaar ahaan Garoonka Wembley. Messe waxa ka hadlay tababarayaal ay kamid yihiin Salvador Ricardo Aparicio oo ah macalinkiisa ugu horeeyay ee xulka Argentina,Frank Rijkaard oo ahaa Macalinkiisa ugu horeeyay ee Barcelona iyo Tababaraha haatan ee Pep Guardiola iyo Tababarihiisa hore ee xulka Argentina Alfio Basile waxayna isku raaceen dhamaantooda inaysan ka hadli karin awoodda Messi halka ay gaarsiisan tahay oo ay tahay mid ka fog in la ogaado. Saddexdii xilli ee tagay Messi wuxuu ahaa hogaan sax ah wuxuu dhaliyay 137 gool wax ka badan 158 kulan wuxuuna noqdaay xidiga ugu da’da yaraa ee ku guulaysta abaal marinta laacibka yurub iyo adduunka hal xilli isla markaana Barcelona uu ka caawiyay saddex horyaal ooo xiriir ah inay qaado iyo koobka horyaalada yurub 2009 oo ay ka qaaday Man utd oo ay haatan isku soo aadeen mar kale.

 Sabtida iyo Finalaha koobkan Messi waxa ay taageerayaasha Barcelona ka doonayaan inuu u hogamiyo guul kulanka Wembley ka dhacaya wuxuuna yahay xidiga u qaata nambarka 10-aad kooxda Barcelona mid u qalma inuu guul weyn kooxda gaarsiiyo horeyna u gaarsiiyay. Messi iyo Barcelona labadaba ma taariikh xuma Messina waa mucjiso kubada cagta haatan waxaana mashaqo iyo dhibaato culus kala kulmi doonna kooxda ah horyaalka Ingiriiska ee Man United.

Mustafe M. D. “kastam

shaafici_3@hotmail.com




%d bloggers like this: