Berbera News | Daily News Update

Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland oo isku khilaafsan Xeerka Baananka

Hargeysa-(Berberanews)-labada mudane oo ka hadlayey fadhi golaha Wakiilladu kaga dooday ajandaha Kal-fadhiga cusub ee u furmay, ayaa aragtiyo aad u kala fog ka muujiyey in la sameeyo xeerka Bangiyada Ganacsi oo murankiisu sannado badan soo taxnaa.

Doodda xildhibaanada mid kamida ayaa aad u kulalayd oo gaadhay qaylo iyo buuq inay xildhibaanadu isla oogsadaan.

Xildhibaanka diidannaa xeerkan, ayaa sheegay inaan loo baahnayn xeer jidaynaya waxa loo yaqaan lacagaha laga faa’ido deynta la siiyo dadka oo ay culimada diintuna marar badan ka hadleen.

Mudanaha kale ayaa ku doodday in baahi weyn loo qabo abuurista Baanan ganacsi, si looga baxo dhaqaale xumada dalka ka jirta iyo Shaqo-la’aanta dhalinyarada, waxaanu eed dusha u saaray Shirkaddaha iminka u shaqeeya habka Bangiyada oo uu tilmaamay inay caqabad ku yihiin abuurista Xeerkaas.

Halkan ka Daawo Doodda Xildhibaanada: