“ Muuse Biixi Waxaa kuu Xidhan maanta Caruurtii Markaad dhaawaca ahayd Lagu Siiyay Roodhidii Hooyadood usoo iibisay Dugaagnimo Intaad Ka Qabto”Ugaas Jamaal food.

Hargaysa(Berberanews) Ugaas Jamaal Food ayaa Ka hadlay Markale Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye,Abaal Darida Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Xaaladaha Dalka Ka taagan eek u Saabsan in Xukuumadu Samaysay gudi Xukuumada Muuse Biixi Ka Difaaca Baraha bulshada ee Facebook kuwaasi oo ay ku baxayso lacago Malaayiin Dolar ah Waxaana la sheegay in loo Wakiishay Wasaarada Warfaafinta,Arimaha Dibada Iyo Madaxtooyada Dalka.

Ugaas Jamaal cabdiraxmaan Axmed Food oo Arimahaas ka hadlaya wuxuu yidhi”

 

“ Xiligii uu Xildhibaan Obama La Tartamayay Axmed Siilaanyo Wuxuu Iclaamiyay inuu siilaanyo U Tanaasulay ayuu Sheegay Wuxuuna intaas Raaciyay Laakiin manta waxaad ogaataan Ninkaas Maxamed Kaahin Maaha Mid u danaynaya Siilaanyo,Waxaana aad arki doontaan Isagoo Rag Xisbiga ah Oo Inaga Ah Loo Adeegsaday oo ugu danbayntana galowga La Hadhsanaya ,Maantana waxaan idin leeyahay Waa Kaas Tolkii ku taagan ee Tenega reerka Lagu Tumo Noqday,Waxaana aan u sheegayaa Ina Kaahinoow Tolkaa Waa maradaada oo kugu Gubata ,Iminka Waxaad is leedahay geed Damal ah Baad hadhsanaysaa Balse Geedkii hadhdacaar Ayuu kugu Noqday oo AadBacadka hadhsanayso Adigaa iskugu Wacane Hayso lambarkagaaga oo xejiso baanu ku leenahay” Ayuu yidhi Ugaas Jamaal Food.

 

“Weli waxaanu tebeynaa Ninkii noo bedeli Lahaa Wasiirnimada Maxamed Kaahin Waayo Ragaanu ku bedelan lahayn Madaxweynayaal iyo gudoomiyayaal Xisbi Ayaanu la rabnaa Waana Dhici Doontaa Ina Kaahin oo Cadceeda loo Xanbaariyay,Waxaana Sunne Ah Hadiibada dadku isku Indho Bataan oo ilaa Qaaxo lasoo Wada Socday In Marka Awta La isku kacsado Keenada la iska Furi doono,Maalin dhowna Muuse Biixina Maalin dhow Ina Kaahinoow Keenada ayuu kaa Furi doonaa markaasaad sidaadii Awrta la hadhsan Doontaa” Ayuu Yidhi Ugaas Jamaal food

Dhinaca kale Waxaa uu ugaas Jamaal Food ka waramay dhacdooyin kala dhex maray Siyaasi Xirsi Iyo Ina Kaahin kadib Markii xirsi ku yidhi Waar Ninkan Muuse biixi ee aad la Socotaaba 12 guri ayuu xoolaha umada ka dhistay,Beero dad leeyihiina xoog buu ku Qabsadaye ee aan Caruurta guri u dhiso Dabadeedna uu ku gacan saydhay oo ku yidhi Ma waxaa lagugu yidhi wuu Baahan yahay ,Waar Aniga Waxba kaagama baahni Dabadeed uu Xirsi ku yidhi Waar anigu waan kugu faanaa Adiguna Inaan Meel gaadho ayaad ka xun tahay oo waad I yasaysaa ee Colaadan iyo cuqdadan kugu jirta iska Saar Rag Tol Ah baynu nahaye “ Ayuu yidhi Ugaas Jamaal Food.

Ugaas Jamaal Food ayaa Sidoo kale ku eedeeyey Ina Kaahin in uu Eryay Hal Hogaan oo beesha habarjecloba ay ku Lahayd Ciidanka Qaranka Gaar ahaana Booliska oo Ahaa Ganey Ciise Maygaag Waxaana uu Sheegay inuu Ahaa Ninkaasi Keliya Xubin ka mid ah 12 Hogaan oo  Midhkaas Ay beeshu ka lahayd Kaasi oo uu Qoray Maxamuud xaashi cabdi Oo Garanayay In Marka laga tago Qabyaalada Ay Tahay Xaq Beeshu Leedahay,Markuu ina Kaahina Bedelayayna Kumuu bedelin booskii Reerka Mid kale Oo Reerka ahe Ina Biixi ayaa Abtiyaashii Iskaga Dhaadhiciyay oo Xilkaas u magcaabay ,Tolkii ka tage Aabihii Kuma negaado,Raguna waa Ragii goobtuna Waa goobtii,Koley bidde Ayaad tahoo Hadal kuuma dhacayee




%d bloggers like this: