Muuse-Dalab oo ku gacan-saydhay Guddi uu Daahir Rayaale ku soo daray iyo sababaha uu ku diiday

Custom Search

Hargeysa-(Berberanews)- Muuse Xirsi Abokor (Muuse-Dalab) oo hore uga mid ahaan jiray Odayaasha Xisbiga UDUB, ayaa ku gacan-saydhay aqbalaadda Guddi-hoosaadka Maaliyadda ee Xisbigaas oo uu shalay magacaabay Guddoomiyaha UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin, Guddigaas oo uu xubinneheeda ku soo daray Oday Muuse.

Qoraal kooban oo uu soo saaray Muuse Xirsi Abokor galabta, ayuu ku sheegay inuu ka baxay Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, ka dib markii hoggaanka Xisbigu is-khilaafay, isla markaana isla galeen Maxkamadda sare ee Somaliland oo go’aan ka soo saartay Dacwad dhinac ka mid ah laba garab oo isku khilaafay UDUB oo ay kala hoggaaminayeen Guddoomiye Daahir Rayaale iyo Guddoomiye Ku-xigeen Axmed Yuusuf Yaasiin.

Waxa kale oo uu Muuse-Dalab sheegay inuu ka xun yahay in cid aan isaga waxba weydiinnini ku darto Guddi la magacaabayo. Qoraalka uu Muuse Xirsi Abokor soo saaray-na waxa uu u dhignaa sidan:- “Ujeedo: Cadayn:

Aniga oo ah Muuse Xirsi Abokor, waxaan caddaynayaa inaanan ka mid ahayn Guddida Dhaqaalaha ee Xisbiga UDUB, taasoo lagu faafiyay warbaahinta Somaliland. Waxaan ka baxay Xisbiga UDUB markii dhexdiisa khilaafku ka bilaabmay layskuna Dacweeyay, waxaanan ka xumahay cid aan waxba la weydiin in warbaahinta lagu soo saaro. Wakhtigan xaadirka ahna ma ahi Xisbi.

Waxaanan mar labaad caddaynayaa inaanan ka mid ahayn Xisbiga UDUB, xubin ahaan iyo Guddi ahaan toona, mana doonayo inaad iigu yeedhaan Xisbi aad disheen oo aad xallin kari weydeen wixii dhexdiisa yaallay.”

Geesta kale, qoraal uu shalay oo Axad ahayd soo saaray Guddoomiyaha UDUB Daahir Rayaale Kaahin, ayaa waxa uu ku sheegay inuu ku magacaabay laba Guddi-hoosaad oo kala ah Guddiga Shuruucda iyo Guddiga Maaliyadda ee Xisbiga UDUB. Waxaana warqadda qoraalka uu soo saaray Daahir Rayaale u dhignayd sidan:

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.

 

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=17783

Posted by on Jun 25 2012. Filed under WARARKA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta