|

Muwaddin ka Qaybgal Codbixinta Barnaamijka Qaran ee Qiimee Qofkaaga Wanaagsan

Custom Search

Ma ogtahay muwaaddin in markii u horreysay muddo 21 sanno Somaliland laga bilaabay barmaamuj lagu qiimaynayo shaqsiyaadka ku suntan horumarka dalkooda, dadkoda iyo nafahoodaba?

Waa barmaamuj loo bixiyey qiimee qofkaaga oo abaalmarin lagu sii doono 100-ka qof ee u horreeya ka qaybqaadashada horumarka Somaliland.

Yaa mudan inuu ka mid noqdo 100-kaas qof oo isugu jira qaar wax weyn oo muuqda dalkooda iyo dadkooda ku soo kordhiyey muddadaas 21-ka sanno ah iyo kuwo iyaguna si qayrul-caadi ah u horumariyey nafahooda?

Ma jiraa in uun qof maankaaga ka guuxaya oo aad is leedahay wuu u qalmaa in waxtarkiisa qaranka Somaliland ku abaalmariyo?

Haddaba, muwaaddin ka qaybgal ololaha codbixinta barnaamijka qaran ee qiimee qofkaaga, hana la bakhaylin ee codkaaga u hur shaqsiga mudan inuu ka mid noqdo 100kii qof ee ugu horreeyey oo qaranka Somaliland ku abaalmarinayo waxtarka arrimaha danta guud horraanta sannadka soo socda ee 2013-ka.

Adigoon isdhibin si fudud codkaaga ugu dhiibo telefoonnada 4834438 Telesom or 9575619 Somtel amma Emailka: qofkaagaqiimee@yahoo.com

Wixii faahfaahin ah ee intaa dheer kala xidhiidh mareegta www.qiimeeqofkaaga.n.nu oo aad iyada lafteeda ka codayn karto.

 

Social Share Toolbar

select

Short URL: http://www.berberanews.com/?p=19517

Posted by on Aug 13 2012. Filed under NEWS IN ENGLISH. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Jacaylka Lammaanaha iyo kooxda Xidigaha Geeska

Qisada Jacaylka Farxiya Rasta