Newcastle United Oo U Gudbisay Liverpool Dalabaad Ay Ku Doonayaan Andy Carroll.
England (Berberanews Sports):- Sky Sports ayaa ogaatay in Newcastle United ay samaysay dalab ay dib u la soo wareegeyso weeraryahanka Liverpool Andy Carroll.
Kooxda Newcastle ayaa u soo bandhigtay Liverpool dalab ah inay amaah ku qaataan Carroll hal xilli ciyaareed iyadoo fursad loo siinayo inay si joogta ah u iibsan karaan.
Tababaraha cusub ee Reds Brendan Rodgers ayaa bilowgii wiigan sheegay in laga yaabo inuu dhageysto dalabyada u imaanaya weeraryahanka England.
Waxaana Sky Sports ay ogaatay in Reds kaliya ay dooneyso heshiis ay isaga iibinayso ciyaaryahanka, halka Carroll uu isna doonayo inuu amaah uun kaga dhaqaaqo Anfield.
Kooxda Talyaaniga ee AC Milan iyo kooxda ku soo laabatay Premier League ee West Ham ayaa lala xidhiidhinayay ciyaaryahanka maalmihii u danbeysay, lakiin Newcastle ayaa haatan horumar ka sameysay madaama ay gudbiyeen dalabkooda ay amaahda ku doonayaan weeraryahankoodii hore.
Liverpool ayaa Andy Carroll lacag rikoodh ah kaga soo iibsatay kooxda Newcastle bishii Janaayo 2011, lakiin waxa uu ku guuldaraystay inuu wax saamayn ah ku yeesho Anfield.
Mustafe Maxamud
Hargaysa/Berberanews Sport
Short URL: http://www.berberanews.com/?p=18663




-
Designed by